3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Xaalada deegaannada dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo degan

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalooyinka Jigjiga iyo Diri-Dhabe ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ay ka jirto xaalad degenaasho, kaddib rabashadoo labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacayay.

Magaalada Dirir-Dhabe oo shalay ay isku fara-saareen dad ka soo kala jeeda Qowmiyadaha Soomalida iyo Oromada ayaa degan, kaddib markii ay arinka soo fara-galiyeen ciidamada federaalka Itoobiya oo kala diray dadkii rabashadaha halkaa ka dhigay ee isku dhac-yada ku lugta lahaa, waxaana wararku sheegayaan in xaalada magaaladu caadi ku noqotay.

Sidoo kale waxaa iya-na degan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maalin ka hor ay gudaha u galeen ciidamada federaalka Itoobiya oo laakiin markii danbe isaga baxay kaddib rabshado xoog leh oo ka dhacay magaalada.

Ugu yaraan 26 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen sku dhacyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, wali-na waxaa muuqata in uusan jirin xal kama danbeys ah oo laga gaaray xiisadaha jira iyo kala aragti-duwanaashaha siyaasadeed ee maamulka dowlad deegaanka Somaalida iyo dowladda dhexe ee Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/6/2018 3:10 PM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo war kooban siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaalada madaxweynaha xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar.

8/6/2018 12:39 PM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)– Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in uu xilkii iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

8/6/2018 12:06 PM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)– Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in mar kale galinki danbe ee maanta ciidamo aad u hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Itoobiya gudaha u galeen magaalada.

8/6/2018 9:18 AM EST
Isniin, August,06, 2018 (HOL)–Magaaladda Hargeysa waxa ku soo badanaya gaadiidka laga xaddo, kuwaas oo la sheegay in Fureyaal gaadhi kasta furaya loo samaystay.

8/6/2018 8:48 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada Soomaaliya.

8/6/2018 6:39 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa muddo 24 saac ah u qabatey danjiraha Canada Dennis Horak si uu dalka uga baxo, taas badalkeeda boqortooyada Sacuudiga waxay u yeertay safiirka ka jooga Canada.

8/6/2018 5:24 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Mareykanka ayaa rasmi ahaan u dhaqangalinaya cunaqabateyn cusub oo u saaray dalka Iraan, saacadaha hore oo Talaalada berri, sida laga soo xigtay warbaahinta dalka.

8/6/2018 5:20 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–91 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhul gariir xooggan oo ku dhufatay jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia, sida laga soo xigtay saraakiisha gargaarka degdegga ah.

8/6/2018 3:39 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Boqor Burhaan Boqor Muuse , oo magaalada Qardho kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay rabshadaha ka soo cusboonnaday xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, kaddib markii dhawaan ay gudaha u galeen milateriga federaalka Itoobiya.

8/6/2018 3:33 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Hey’adda Cunnada adduunka ee WFP ayaa oggolaatay in ay iibsato Galeyda beeraha Soomaaliya, kaddib baaritaan lagu ogaaday in ay tahay nuuca ugu wanaagsan Galayda Bariga iyo Bartamaha Afrika arintaas oo Soomaaliya u oggolaatay in ay ku biirto waddamada WFP Galeyda ay ka iibsato.

8/6/2018 2:48 AM EST
Isniin, August,06,2018 (HOL)Puntland ayaa shaacisay qorshe lugu doonayo garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Jen. Maxamed Abshir Muuse inuu shaqeeyo habeen iyo maalin, taaso ka dhigeysa garoonkii ugu horreeyay ee Puntland oo shaqeynaya labo xilli.

8/6/2018 2:43 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Boqolaal Itoobiyaan ah oo ka soo qaxay Jig-jiga ayaa soo gaadhay magaalo xuduuddeedka Tog-wajaale gaar ahaan dhinaca Somaliland.

8/6/2018 2:38 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa ku baaqday inan la dhibaateyn dadka qaxootiga ku ah deegaannada dowlad-gobolleedka, kaddib markii baraha bulshada lugu baahiyay muuqaalka nin la sheegay inuu ka soo jeedda qowmiyada Oramada oo lugu jirdilay magaalada Boosaaso.

8/6/2018 12:47 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qayb galay munaasabadda lagu saxiixay heshiiska dawladda midnimada qaran ee lagu soo af-jaray colaaddii waqtiga dheer u dhexeysay dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed.

8/6/2018 12:36 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay wax-ba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyntii hanti-dhowrka guud iyo xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka dhan ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud.