Rabshado goor dhaw ka qarxay magaalada Diri-Dhaba ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya
Axad, August, 05, 2018 (HOL)- Wararka ka imaanaya magaalada Diri-dhabe ee
DDSI ayaa sheegaya in rabshado la mid ah kuwii shalay ka dhacay Jigjiga ay
halkaas qarxeen.
Xaafadda Ashawa ayaa la sheegay in ay rabshaduhu ka billowdeen, waxaana
irdaha loo laabay meheradaha suuq halkaa ku yaalla oo la yiraahdo suuqa Ashawa.
Rabshadahaas oo u dhaxeeya dhallinyaro Soomaali ah iyo qaar ka soo jeeda
qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa la sheegay inay ku fideen meelo kale oo ay ka
mid tahay xaafad la yiraahdo Xaafad Ciise.
Xaalad fowdo iyo jahawareer ah ayaa laga soo sheegayaa inay magaalada
Diri-dhabe ku jirto, ayadoo hadba dhinac la isu eryanayo.
Dhallinyarada rabshadaha wada ayaa ku hubaysan budhadh, baangado, faasas,
middiyo IWM.
Dad goob joogeyaal ah waxay BBC u sheegeen in boolis ka tirsan federaalka
Itoobiya ay magaalada soo galeen si ay u kala dhex galaan oo ay u kala eryaan
dadka rabshadaha wada.
Gaadiidka caadiga ah ee magaalada iyo kan dadweynaha ayaa gebi ahaanba
istaagay.
Inkastoo uu khasaare jiro, misna lama hayo tiro sheegaysa dhimasho iyo
dhaawac.
Xigasho/BBCSomalia