4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2018
Jigjiga oo xalay deganeyd iyo xiisadii oo wali taagan

 

Axad, August, 05, 2018 (HOL) – Magaalada Jigjiga ayaa xalay xasilooneyd, kaddib rabshado shalay ka dhacay magaalada oo ay gudaha u galeen ciidamada dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya oo la wareegay shalay inta badan magaalada.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xalay hadal kooban siiyay warbaahinta deegaanka ayaa ugu baaqay shacabka in ay is dajiyeen isaga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay rabshadaha dhacay.

Muuqaalka uu sii daayay TV-ga dowlad deegaanka Sooomaalida Itoobiya ayaa muujinayay in wali madaxweynuhu ku sugan yahay magaalada Jigjiga oo ay dib uga gurteen ciidamadii dowladda Itoobiya ee maalintii shalay gudaha u galay.

Wariye ku sugan magaalada ayaa sheegay in hadda gabi-ahaanba ciidamadu isaga baxeen goobihii muhiimka ahaa oo ay shalay qabsadeen laakiin wali ku sugan yihiin saldhigyo iyo xarumo dulleedka magaalada ku yaala.

Wali waxaa taagan xiisada u dhaxeysa maamulka dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee federaalka lamana oga sida saacadaha soo socda wax isku badali karaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]