4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2018
Boobkii ganacsiga ajaanibta ee Koonfur Africa oo wali halkiisii ka sii socda

 

Jimco, August. 31, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in maanta oo kaliya lagu boobay deegaan 120km u jira magaalada Cape Town lagu boobay dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib rabshado xoogan oo labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacayay xaafadda Soweto ee magaalad Johannesburg oo sida la sheegay dad u badnaa burcad cagta mariyeen dukaamo ay lahaayeen dad ajaanbi ah.

Dhacan ugu danbeeyay ee laga soo sheegayo Koonfur Africa ayaa lagu boobay ilaa saddeed dukaan oo ay lahaayeen ganacsato isugu jirta Soomaali, Itoobiyan iyo Bangaladheesh.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dalbadanaya in si deg deg ah arintan u soo faragaliso dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Booliiska Koonfur Africa ayaa iyagu u muuqda kuwo aan danba ka laheyn waxa dhacaya, waxey-na ganacsatadu sheegeen in meelaha qaar dukaamada hortooda lagu boobayo ciidamada.

Maxamed Cawil oo ah ganacsade ku sugan Koonfur Africa oo dhawaan markii ay rabshaduhu bilaawdeen la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in sababta kicisay arintan tahay in qaar ka mid ah ganacsatada lagu eedeeyay in ay iibiyaan alaabo dhacay.

Laakiin marka la eego khasaaraha loo geystay goobaha ganacsiga waa mid ka baaxad weyn eedeyntaa iyada ah oo waxaad moodaa in markii hore-ba dadkan ahaayeen kuwo u taagnaa boobka hantida ganacsatada ajniga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]