3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2018
Mareykanka oo ku hanjabay in uu isaga baxayo ururka ganacsiga adduunka

 

Jimco, August, 31, 2018 (HOL)- Madaxweyne Trump ayaa heshiiskii sanadkii 1994 lagu aasaasay ururka ganacsiga adduunka ee WTO ku tilmaamay heshiis ganacsi kii ugu xumaa taariikhda, waxa uuna ku hanjabay in dalkiisa uu isaga bixi doono ururkaasi.

Trump ayaa sheegay in ururuka ganacsiga adduunka ee WTO uu u baahan yahay in isbadal lagu sameeyo.

Waxaase uu qiray in Mareykanka uu sanadkii la soo dhaafay ku guuleystay dacwado la horgeeyay qeybta xallinta khilaafaadka ganacsiga ee ururkaasi.

Xukuumadda Washington ayaa horey u hakisay doorashada garsoorayaasha qeybta xallinta khilaafaadka ee WTO, arrintaasi oo mustaqbalka waxyeeleyn doonta awoodda garsoor ee ururka ganacsiga adduunka.

Weriye ka tirsan BBC ayaa sheegaya in ganacsiga adduunka uu cawaaqib xukumo la kulmi doono haddii Mareykanka uu isaga baxa WTO.

Trump ayaa tan iyo markii uu qabtay xilka madaxweynenimada ee dalkaasi Mareykanka ka baxay heshiisyo dhawr ah oo caalami ah, isaga oo ku eedeeyay in dhammaantood ay lid ku yihiin danaha Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/31/2018 12:01 PM EST
Jimco, August, 31, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in maanta oo kaliya lagu boobay deegaan 120km u jira magaalada Cape Town lagu boobay dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

8/31/2018 9:04 AM EST
Jimco, August. 31, 2018 (HOL) – Kadib safar Khamiistii shalay ku tagtay dalka Kenya rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa waxa ay kaga dhawaaqday in Britain ay kordhinayso taageerada ay siiso ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

8/31/2018 6:16 AM EST
Jimco, August. 31, 2018 (HOL)–Labadii cisho ee la soo dhaafay Boob iyo bililiqo baahsan ayaa lagu hayay ganacsiga dadka ajaanibta ah xaafadda Soweto ee dalka Koonfur Africa, waxaana ganacsiga la boobay ku jira dukaamo ay lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

8/31/2018 4:33 AM EST
Jimco, August, 31, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in qabsoomidda cayaaraha tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Stadium Koonis ay muujinayaan horumarka laga gaarey nabadda iyo is-dhexgalka bulshada Caasimadda.

8/31/2018 4:16 AM EST
Jimco, August, 31, 2018 (HOL)– Kulliyadda cilmiga Beeraha oo ka mid ah 12-ka kuliyadood ee Jaamacadda Benadir ayaa u dabaaldegtay sanadguuradii 10aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay, iyadoo gelinkii dambe ee shalay xaflad arintaas la xiriirta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

8/31/2018 1:38 AM EST
Jimco, August, 31, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

8/31/2018 1:23 AM EST
Jimco, August, 31, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

8/31/2018 12:56 AM EST
Jimco, August,31, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay degmada uu ka dhacay dagaal culus oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.