Kulliyadda Beeraha ee Jaamacadda Benadir oo u dabaal-degtay Sannad-guuradeedii 10aad
Jimco, August, 31, 2018 (HOL)–
Kulliyadda cilmiga Beeraha oo ka mid ah 12-ka kuliyadood ee Jaamacadda
Benadir ayaa u dabaaldegtay sanadguuradii 10aad ee ka soo wareegtay markii la
aasaasay, iyadoo gelinkii dambe ee shalay xaflad arintaas la xiriirta lagu
qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo si heer sare
ah loo soo abaabulay ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada sida beeraley,
arday, macalimiin, ganacsato ka socotay shirkado kala duwan,
aqoonyahanno, hogaanka sare ee Jaamacadda, masuuliyiin xilal sare ka soo
qabtay Wasaarada beeraha Somalia iyo xubno kale.
Hormuudka Kulliyadda Beeraha
Dr. Maxamed Shiikh Cali ayaa ugu horeyn warbixin ka bixiyay aasaaskii
Kulliyadda Beeraha, marxaldihii ay soo martay, qeybaha kulliyadda, nidaamka
waxbarashada, guulihii ay gaartay iyo hiigsigeeda mustaqbalka.
“Kulliyadda Beeraha Waxaa la aasaasay bartamihii Bishii Agoosto ee
sanadkii 2008, Waxaana dhidibada u aasay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo cilmiga
beeraha bartay ka dib markii la arkay baahida loo qabo in la helo jiil cusub oo
cilmiga beeraha yaqaan maadaama ay burburtay Kulliyadda cilmiga beeraha
ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Maxamed Shiikh Cali.
Waxaa uu intaa ku daray in
kulliyadda Beeraha ee Jaamacada Benadir loogu tala galay inay noqoto mid ka mid
ah xarumaha ugu horreeya waxbarashada, tababarrada, cilmi baarista iyo fidinta
cilmiga beeraha ee bariga Afrika, isagoo xusay in Kulliyadda ay ka qalin
jebisay mudadii ay jirtayt ilaa 7 dufcadood oo ka kooban 254 arday, kuwaasoo
buu yiri qaarkood takhasusyo shahaadada Masterka ku soo qaatay waddamo kala
duwan sida Talyaaniga, Maleysia, Bengaladesh, Turkiga iyo Itoobiya, wuxuuna
tilmaamay in qalin jebiyayaasha badankood ay ka shaqeeyaan meelo kala duwan,
isagoo hoosta ka xariiqay in Kulliyaddu ay wada shaqeyn la leedahay heyadaha
caalamiga ah ee ku hawlan horumarinta beeraha.
Guddoomiyaha Jaamacadda
Benadir Prof. Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay munaasabadan ayaa ugu
horeyn hambalyo ku aadan sanadguuradooda 10aad u diray, Maamulka, ardayda iyo
Macaliinta kuliyadda beeraha ee Jaamacadda Benadir isagoo Dhinaca kale, ka
hadlay muhiimada uu leeyahay cilmiga beeraha, maadaama dhaqaalaha Somalia
uu ku tiirsan yahay intiisa badan tacabka beeraha iyo dhaqashada xoolaha.
“Waxaan ku bogaadinayaa
Kulliyadda beeraha ee Jaamacada Benadir sida ay uga soo dhalaashay kaalinteeda,
waxaana dhammaan bahda kuliyadda beeraha u rajeynayaa mustaqbalka horumar
midkan ka sii balaaran” ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr.
Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo sidoo kale ku dheeraaday dedaalkii ay 10 sanadood
ka u gashay Jaamacadda hirgelinta kuliyaddan.
Dr. Cabdi Axmed Baaffo oo ah
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Somalia oo xafladaas ka hadlay ayaa
sheegay baahida loo qabo in la helo kaadiriin aqoon durugsan u leh cilmiga
beeraha, isagoo intaa ku daray in kuliyadii beeraha ee Jaamacada ummada ay ka
baxeen aqoonyahano tiro yar oo uu sheegay in badankood ay dalka ka maqan
yihiin, isagoo kuliyadda beeraha ee Jaamacada Benadir ku amaanay dedaalka ay
muujisay mudadii ay jirtay, isagoo ku booriyey iney sii xoojiyaan.
Intii ay socotay munaasabadan
ayaa waxaa lagu daawaday Filim documentary ah oo ka hadlayay waxqabadka
Kulliyaddan iyo dedaalka ay ugu jirto soo saarida aqoonyahano ka qeyb qaata
horumnarinta beeraha dalka.
Waxaa si rasmi ah xafladda u
soo xirey Senator, Prof. Cismaan Xaaji Max’uud Dufle oo ah guddoomiyaha guddiga
adeega bulshada aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo sheegay in Somalia ay
horumar dhaqaale hiigsaneyso mustaqbalka, aqoonyahanada beerahana ay
yihiin kuwa ugu horeeya ee looga fadhiyo iney hormuud ka noqdaan, wuxuuna ugu
dambeyntii hambalyo u diray Jaamacadda Benadir iyo Kulliyaddeeda Beeraha.
Xiritaanka xafladda ka dib
waxaa halkaas lagu soo bandhigay qalab beeraha loo adeegsado oo dalka lagu
farsameeyay kuwaasoo uu soo bandhigay Eng Cabdulqaadir Cumar.
Munaasabadan oo ku dhamaatay
jawi farxadeed ayaa waxaa hadalo isugu jira hambayo iyo guubaabo ka soo
jeediyey aqoonyahano iyo masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen
Ku-xigeenka Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir ee dhinaca Waxbarashada Eng.
Khaliif Muuse, hormuudka Kuliyadda Xanaanada Xoolaha ee Jaamacada Dr. Cumar
Max’uud Kulmiye, hormuudkii hore ee Kulliyadda Beeraha Jaamacaddii Ummadda
Soomaaliyeed waagii dowladdii Kacaanka Prof. Cabdulqaadir Xasan Shirwac iyo
xubno kale oo ay laga xusi karo Eng. Cabdulqaadir Cumar, Dr. Cabdulqaadir
Abow iyo Dr. Axmed Maxamed Bahdoon.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]