3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Shiinaha


Jimco, August, 31, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Wadahadallani waxa ay hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, madaxweyne Farmaajo waxaa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran.

Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku ammaanay madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska dalka iyo dhaqaalaha.

Labada Madaxweyne waxa ay lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada hoggaamiye waxa ay sidoo kale isla falanqeeyeen ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeyahay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, kaas oo fududeynaya isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray taageerada laxaadka leh ee Shiinaha, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan taageeradooda dhinaca horumarka iyo in la dardargeliyo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxa ay isla meel dhigeen in la sii kobciyo heshiisyada ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo in la abuuro iskaashiyo hor leh oo ku aaddan horumarka iyo dhaqaalaha.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dowladda Shiinaha ayaa ku yaboohday dhaqaale lagu taageerayo amniga, gargaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/31/2018 12:01 PM EST
Jimco, August, 31, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in maanta oo kaliya lagu boobay deegaan 120km u jira magaalada Cape Town lagu boobay dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

8/31/2018 9:04 AM EST
Jimco, August. 31, 2018 (HOL) – Kadib safar Khamiistii shalay ku tagtay dalka Kenya rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa waxa ay kaga dhawaaqday in Britain ay kordhinayso taageerada ay siiso ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

8/31/2018 6:16 AM EST
Jimco, August. 31, 2018 (HOL)–Labadii cisho ee la soo dhaafay Boob iyo bililiqo baahsan ayaa lagu hayay ganacsiga dadka ajaanibta ah xaafadda Soweto ee dalka Koonfur Africa, waxaana ganacsiga la boobay ku jira dukaamo ay lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

8/31/2018 4:33 AM EST
Jimco, August, 31, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in qabsoomidda cayaaraha tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Stadium Koonis ay muujinayaan horumarka laga gaarey nabadda iyo is-dhexgalka bulshada Caasimadda.

8/31/2018 4:23 AM EST
Jimco, August, 31, 2018 (HOL)- Madaxweyne Trump ayaa heshiiskii sanadkii 1994 lagu aasaasay ururka ganacsiga adduunka ee WTO ku tilmaamay heshiis ganacsi kii ugu xumaa taariikhda, waxa uuna ku hanjabay in dalkiisa uu isaga bixi doono ururkaasi.

8/31/2018 4:16 AM EST
Jimco, August, 31, 2018 (HOL)– Kulliyadda cilmiga Beeraha oo ka mid ah 12-ka kuliyadood ee Jaamacadda Benadir ayaa u dabaaldegtay sanadguuradii 10aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay, iyadoo gelinkii dambe ee shalay xaflad arintaas la xiriirta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

8/31/2018 1:23 AM EST
Jimco, August, 31, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

8/31/2018 12:56 AM EST
Jimco, August,31, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay degmada uu ka dhacay dagaal culus oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.