4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2018
Ra'iisal wasaare Kheyre oo hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya

 

Jimco, August, 31, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha lagu talaabsaday.

Dib ugu soo laabashada dalka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray, laakiin mar uu shalay ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah ayuu ku sheegay socdaalkiisa mid uu dadka ku xog wareysanayo, islamarkaana uu soo mari doono guud ahaanba gobollada dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]