4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2018
Ciidamada AMISOM oo qof rayid ah ku dilay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, August, 30, 2018 (HOL) - Wararka ka imanaya xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM galinkii danbe ee maanta halkaa ku dileen qof rayid ah oo sida dadka deegaan-ku sheegeen kaxeysanayay gaari.

Dilka ayaa yimid kaddib markii qarax miino oo waddada lagu aasay lagu weeraray gaadiid ay la socdeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM, laakiin qaraxa ayaa la sheegay in uu dhacay markii ay gaadiidku goobta dhaafeen, hasse ahaatee ciidamada AMISOM ayaa rasaas ku furay qofkan rayidka oo marayay meel aan iyaga ka fogeyn.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo markii danbe gaaray halka ay wax ka dhaceen ayeey goobjoogayaal sheegeen in ay meesha ka qaadeen meydka qofka la dilay.

Suuqa Xoolaha inta badan waxaa ka dhaca qarax-yada noocan ah ee lagu bartilmaameesado ciidamada AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]