4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2018
Dad ku dhaawacmay madaafiic ku soo dhacday qeybo ka mid ah Muqdisho

 

Khamiis, August, 30, 2018 (HOL) – Goobjogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in madaafiic loo maleynayo in laga soo tuuray qoriga hoobiyaha maanta ku soo dhaceen qeybo ka mid ah degmada Warta-Nabada Ex Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Madaaficdan oo qaarkood ku dhacay Laamiga xaafadda Geedjaceyl ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa shan ruux oo rayid ah.

Dadka ku dhaawacmay madaafiicda ayaa la dhigay qaar ka mid ah goobaha caafimaadka magaalada, kuwaa oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Ma’aha wax cusub magaalada madaafiicdan mar marka qaar lagu tuuro xaafaddaha degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka, waxaana ay u muuqdaan kuwo isla gudaha magaalada lagu soo ridayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore toogasho ku dishay dad ay ku eedeysay in ay madaafiic ku ridayeen xaafaddaha magaalada, halka kuwa kalana la qabtay iyaga oo gaadiid ku sita qoriga hoobiyaha ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]