4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2018
Shirka Africa iyo Shiinaha muxuu uga dhiggan yahay Soomaaliya

 

Khamiis, August, 30, 2018 (HOL) – Shirka Beijing ka furmaya horaanta todobaadka inagu soo foolka leh waxaa isku arkaya madaxda qaaradda Africa iyo dowladda Shiinaha oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyay-ba shirka marti-galineysay.

Waa shir intiisa badan lagu gor-feeyo loogana wada hadlo xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee ka dhaxeeya labada dhinac iyo maashaariic hormari-need oo dowladda Shiinaha ay ka fulineyso wadamada qaaradda kuwaa oo isugu jira dhismaha dekeddo, waddooyin, iyo khadadka tareennada, kuwaasoo sahlaya in si fudud ganacsiga qaaradda isugu gudbo. waxaana ku kacaya fulinta mashaariic-dan aduun lacageed oo Balaayiin dollar ah.

Laakiin haddana waxaa la leeyahay dowladda Shiinaha mashaariic-dan hormarinneed oo ay ka sameyneyso wadamada qaaradda ma’aha kuwo bilaash ah oo waxaa ku hoos qarsoon dano kale oo dhaqaale oo ay ka leedahay wadamadan, sida in ay u iibgeyso wax soo saarkeeda iyo waliba in dalalka xiriirka dhaw la leh ka ay dhax sameyso warshado yar yar iyo goobo ganacsi, sida aagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti oo kale.

Madaama waxa laga hadlayo ay noqon karaan dano is–dhaafsi labo dhinac ah ayaa su’aasha is-weydiinta mudan waxaa ay noqon kartaa doorka Soomaaliya shirkan:

 

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo ay ku jiraan ganacsato Soomaaliyeed ayaa la filayaa in ay shirkan ka qeybgalaan, laakiin madaxweynuhu ka hor inta uusan shirku furmin waxaa u qorsheysan kulan uu la qaato madaxweynaha Shiinaha ninka lagu magacaabo Xi Jinping.

Farmaajo waxaa uu kala hadli doonaa dhiggiisa Shiinaha soo nooleynta xiriirka qotada dheer ee soo jiraanka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood, iyadoo la og-yahay doorkii uu Shiinaha ku lahaa Soomaaliya wixii ka horeeyay 1990kii iyo dhismaha xurmo caan ah oo dalka ku yaala sida Stadium Muqdisho iyo Tayaatarka Qaranka oo labaduba hadda siweyn u bur bursan.

Shiinaha sidoo kale waxaa ay ka dhiseen Soomaaliya jidad-waaweyn, sida waddada laamiga ah ee isku xirta gobollada dhexe oo ay dadku ugu yeeraan ilaa iyo waqtigan ‘’Jidka Shiinaha’’ iyadoo waayo joogii waqtigaa soo gaaray ay ka mara-ka-cayaan sida uu Shiinaha ugu dadaalay dhismaha jidad tayo leh oo ilaa waqtigan dadku isticmaalkooda mahdiyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid ugu yaraan shirkan ka faa’iidi doonta oo kaliya in ay kala hadasho Shiinaha in mar kale uu gacan ka siiyo dib u dhiska xarumihii ku burburay dagaallada sokeeye ee isugu jira kuwa adeegga bulshado iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Xeeldheerayaasha siyaasada ayaa qaba in wax intaa dhaafsiisan aysan kala soo noqon doonin wafdiga dowladda Soomaaliya shirka Beijing iyaga oo tusaalaha ugu fudud u soo qaadanaya in xiliggan wadanku xasilooneyn dowladda Shiinaha–na dhakeeda u fududeyn in ay ka fuliso mashaariic hormarinneed oo la mid ah kuwa ka socda Africa inteeda kale.

Dhinaca kale waxaa iya-na jira dowladda kale oo Soomaaliya ku leh saameyn dhaqaale iyo mid militari intaba oo qaarkood-na laga yaabo in colaad dhinaca ganacsiga ah uu kala dhaxeeyo Shiinaha sida Mareykanka oo Soomaaliya ka taageera la dagaalanka Argagixisada.

 

Iyadoo arrimahaa oo dhan la eego ayaa la leeyahay waxaa laga yabaa in dowladda Soomaaliya ku adkaato in ay heshiis-yo hormarineed oo waaweyn la soo saxiixa-to Shiinaha, wallow dad badan oo Soomaaliyeed jeclaayeen in ay mar uun arkaan doorkii Shiinaha ee Soomaaliya oo dib u soo laabtay.

Laakiin dhinaca kale marka la eego dowladda Shiinaha waxaa ay dhaqaale xoog leh ku bixisaa waqtigan  taageerada hay’addaha kala duwan ee dowladda, iyadoo dhinaca kalana ka qeyb-qaadata gargaarka bani’aadan-nimo ee Soomaaliya marka ay jiraan masiibooyinka dabiici-ga.

Fatahaaddii ugu danbeysay ee ku dhufatay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne dowladda Shiinaha waxaa ay ku deeqday lacag dhan 1.5 milyan oo dollar oo lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa ugu danbeyntii la filayaa in yabooh dhaqaale oo isugu jira deeq iyo deyn uu u ballanqaado qaaradda, iyo mashaariic hor leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]