3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2018
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay


Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Subaxnimadii hore ee saakay waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray sanad iyo dheeraad oo uu dalka dibeda uga maqnaa kaddib madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Xassan Sheekh waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, xubno horay uga tirsanaa dowladda uu madaxweynaha ka ahaa iyo siyaasiyiin ay saaxiibo dhaw ku ahaayeen dhinaca shaqada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay guddi-gaar ah u soo saartay soo dhaweyn-ta madaxweynihii hore, kuwaa oo ka mid ahaa xubnihii garoonka uga hortagay.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad kooban oo soo dhaweyn aheyd ayuu sheegay in uu u yimid sidii uu u dhageysan lahaa afkaarta kala duwan ee dadka Soomaaliyeed, soona mari doono dalka intiisa badan.

Lama oga ujeedada socdaalkiis, hasse ahaatee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu u yimid yagleelida xisbi siyaasadeed ka mid noqonaya asxaabta u tartami doonta doorashada sanadka 2020ka la filayo in ay dalka ka dhacdo.

Sidoo kale socdaalkiisa Muqdisho ayaa imanaya xili maalintii shalay uu dalka ka dhoofay madaxweynaha imika tallada haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo China shir uga qeybgalaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/30/2018 4:00 PM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Waxaa la sameeyay sida ay isku beegsan doonaan kooxaha ka qeybgalaya tartanka Horyaalka Yurub Champions League 2018/2019, waxaana isku Group ku soo dhacay kooxo aad u adag.

8/30/2018 3:50 PM EST
Khamiis, August,30, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM galinkii danbe ee maanta halkaa ku dileen qof rayid ah oo sida dadka deegaan-ku sheegeen kaxeysanayay gaari.

8/30/2018 10:46 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Goobjogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in madaafiic loo maleynayo in laga soo tuuray qoriga hoobiyaha maanta ku soo dhaceen qeybo ka mid ah degmada Warta-Nabada Ex Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

8/30/2018 8:02 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Shirka Beijing ka furmaya horaanta todobaadka inagu soo foolka leh waxaa isku arkaya madaxda qaarada Africa iyo dowladda Shiinaha oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyay-ba shirka marti-galineysay.

8/30/2018 1:04 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL) – Ganacsato badan oo Soomaali ay ka mid yihiin ayaa ku hanta-beellay boob aan loo kala harin oo burcad South African ah iyo dad dan-yar ah ku qaadeen goobaha ganacsiga xaafadda Soweto magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa.

8/30/2018 12:48 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Dawladda UK ayaa heshiis amniga iyo dhanka difaaca la gashay Nigeria kaaso ka caawin doono xukuumadda madaxweyne Muhammadu Buhari la dagaalanka kooxda Booko Xaraam.

8/30/2018 12:43 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa ka soo hormuuqday Nin Masaari ah oo la sheegay in sanadkii 2016kii uu dilay haweeney Soomaali ah oo qaxooti ku aheyd dalka.

8/30/2018 12:26 AM EST
Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in la sameeyay xafiis u gaar ah Ururrada hubeysan ee dalka Itoobiya, kaa oo ka shaqeyn doono sidii hub ka dhiggis loogu sameyn lahaa.