4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2018
Ingriiska oo shaaca ka qaaday in Nigeria uu ka caawinaya arrimaha ammaanka

 

Khamiis, August, 30, 2018 (HOL) – Dawladda UK ayaa heshiis amniga iyo dhanka difaaca la gashay Nigeria kaaso ka caawin doono xukuumadda madaxweyne Muhammadu Buhari la dagaalanka kooxda Booko Xaraam.

Heshiiskan waxaa shaaca laga qaaday xilli ra’iisul wasaaraha Ingriiska ay booqasho ku joogto dalka Nigeria.

Bayaan laga soo saaray heshiiska ayaa lagu sheegay in xukuumadda UK ay agabka iyo tabbabar u fidin doonto militariga Nigera sii ay isaga difaacaan khatarta qaraxyada ay fuliyaan kooxaha argagixisada.

Waxay sidoo kale, kala saxiixdeen Britain iyo Nigeria heshiis 16 milyaan doolar ku kacaya oo waxbarasho loogu fidinayo 100, 000 carruur ah oo ay saamayn ku yeelato waxbarashadooda dagaallada.

Ingiriiska ayaa ka caawin doona dowladda Nigeria la dagaalanka kooxda Booko Xaraam.

BBC