4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2018
Ururrada hubeysan ee Itoobiya oo hub ka dhiggis lagu sameynayo

 

Khamiis, August, 30, 2018 (HOL)–Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in la sameeyay xafiis u gaar ah Ururrada hubeysan ee dalka Itoobiya, kaa oo ka shaqeyn doono sidii hub ka dhiggis loogu sameyn lahaa.

Xafiiska ayaa marka laga soo tago howlaha hub ka dhiggista ah sidoo kale waxaa uu noqon doonaa mid u adeega danaha iyo Ururrada mucaaradka iyo waliba siddii shaqo abuur loogu sameyn lahaa mar haddii ay meesha-ba ka saaraan wax ku doonistii qorigga carradiisa.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay sidoo kale soo dhaweyneyso xubnaha doonaya in ay ku biiraan ciidamada oo uu xafiisku diiwaan-gali doono.

Dowladda Itoobiya ayaa horey heshiis nabadeed ula gaartay Ururrada mucaaradka ee hubeysan oo ka mid yihiin labada Urur ee ugu waaweyn dalkaa ONLF OLF oo hadda qaatay heshiiska nabadeed iyo gogosha ay u fidisay xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ugu baaqay Ururradan in ay hubkooda si nabad ah kusoo dhiibaan islamarkaasna ay ku dagaalamaan firkadahooda iyo qalinka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]