3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 3 , 2018
Jabuuti ka hor timid go’aan maxkamadeed oo laga gaaray murankii DP World

 

Jimco, August. 03, 2018 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa iska diiday islamarkaana waxba kama jiraan ka soo qaaday go'aan ay shalay soo saartay maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London, kaa oo ku saleysnaa murankii dhinaca sharciga ee u dhaxeeyay Jabuuti iyo shirkadda DP World

Go'aankaas oo ay maxkamaddu ku sheegtay in ay khalad aheyd in dowladda Jabuuti ay maamulka iyo gacan ku haynta dekadda Dooraleh ay kala wareegto Shirkadda Dekadaha ee DP World.

Jabuuti ayaa ku tilmaamtay in go’aanka maxkamada uu ahaa mid hal dhinac oo kaliya oo aan iyaga laga qeyb-galin lana dhageysan doodooda, sidaa daraadeed go’aanka noocaasi ah yahay mid aan iyaga quseyn.

Gudoomiyaha maamulka dekadaha iyo goobaha ka caaggan canshuuraha Abuu Bakar Haadi ayaa sheegay in horey ay shirkadda ugu heshiiyeen in heshiiska ay ka baxaan islamarkana qarashaadkii ka galay loo celiyo.

Gudoomiyaha aya intaa ku daray in shirkadda DP World aysan xoog ku haysan karin dekadaha dalka Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa 22 bishan waxay meesha ka saartay heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/3/2018 3:23 PM EST
Jimco, August, 03, 2018 (HOL)–Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa qoraal kooban oo ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in Afar ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ku dileen duqeyn ka dhacday deegaan 74 km waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

8/3/2018 11:50 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka jawaabay su’aal in muddo ahba taagneyd oo la xiriirta qoondada Soomaalida ee shidaalka lagu wado in laga soo saaro dhulka Soomaalida Itoobiya, isaga oo sheegay in 5% -kiiba ku yeelanayaan.

8/3/2018 9:01 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL)–Guddiga dib u eegista dastuurka ee Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xalay kulan la qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo Federaaleynta Dalka.

8/3/2018 6:57 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw gaaray magaalad Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

8/3/2018 5:39 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL) – Booliiska Sweden ayaa toogasho ku dilay wiil qori macmal ah ku dhex watay magaalada Stockholm, wiilkaas ayaa ahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaana hayay nooc ka mid ah xannuunka Autism, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.

8/3/2018 4:23 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL)–Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa dhiggiisa Maraykanka , Mike Pompeo kula kulmay Maanta oo Jimca ah Dalka Singapore , sida laga soo xigtay Ilo wareedka ku dhow kulanka.

8/3/2018 1:40 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL)–Madaxa guddiga doorashada ee Zimbabwe, Priscilla Chigumba, ayaa ku dhawaaqday in madaxweynaha iminka talada haya, Emerson Mnangagwa, uu yahay qofka ku guulaystay doorashadii madaxweynenimada ee Isniintii dhacday.

8/3/2018 1:32 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL) – Shirkii Golaha Wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa qodobadii leysku afgartay waxaa ka mid ahaa sii deynta Boqolaal Maxaabiis ah ku xir xiran deegaannada Puntland, kuwaa oo loo heysto arrimo burcad badeednimo ah.

8/3/2018 12:49 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL) – Inta la xaqiijinayo Labo ruux oo rayid ah ayuu dhaawac ka soo gaaray tiro madaafiic ah xalay lagu tuuray qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degmada oo warbaahinta la hadlay.