Jimco, August. 03, 2018 (HOL)– Guddiga dib u eegista dastuurka ee Labada gole ee
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xalay kulan la qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee
xudduudaha iyo Federaaleynta Dalka.
Kulanka ayaa ku saabsanaa dib u eegista Dastuurka
iyo ballaarinta hannaanka federaalaynta Dalka, waxanay iska xog wareysteen
waxyaabihii u qabsoomay iyo qodobbada haatan hor yaalla.
Guddiga ayaa soo bandhigay Cilmi Baaris ay ku
sameeyeen hab-raaca xudduudaha Dowlad Goboleedyada, degmooyinka iyo
soohdimaha Soomaaliya ay la wadaagto wadamada deriska la ah.
Guddomiyaha guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha
iyo Federaaleynta, khalliif Cabdikarin Maxamed , ayaa sheegay in kulanka laga
soo saaray habka ugu wanaagsan ee lagu sameyn karo Magacaabista degmo ama
Gobol, taasi oo ku saleysan tira badnaashada Dadka, dhaqaalaha, xudduuda, iyo
afti dadweyne oo la qaado.
“waa wax loo bahanayahay in la ogaado xudduudaha
gobollada ,degmooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya ay la leedahay dalalka deriska
ay la tahay iyadoo lagu saleynayo dastuurka Dalka ” ayuu yiri guddoomiyhu.
Guddoomiyaha Gudiga dib u eegista dastuurta
labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya Senetar; Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid ayaa
ku amaanay guddiga shaqada waaangsan ay qabteen, isagoo sheegay in ay soo aqrin
doonaan qodobbada baarsita ay ku sameeyeen.
”Waa idinku ammaanayaa shaqada aad qabateen,
waana soo aqrin doonnaa qodobbada aad soo qorteen hadii sidaan marwalbo laysku
kaashado waxay wax ku kordhineysaa dhameystirka Dastuurka KMG ah”ayuu yiri
Cabdi Qeybdiid.
Qorshaha dhameystirka dasruurka KMG ayaa ah in
lagu dhameystiro inta ka harsan Sanadkaan, si Dalka uu u yeesho dastuur buuxa,
si dalka uu u galo doorasho qof iyo cod ah 2020-ka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]