Baarlamaanka dowlad deegaanka oo xasaannadii ka qaaday xubno uu ka mid yahay Cabdi Maxamuud Cumar
Isniin, August, 27, 2018 (HOL)- Fadhi golaha baarlamaanka dowlad
deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ku yeesheen magaalada Jigjiga maalintii shalay
ayaa xasaannada lagala noqday 7 xubnood oo horay uga tirsanaa xisbiga tallada
haya oo uu mid yahay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud
Cumar.
Laakiin dhamaan lama wada shaacin magac-yada
xubnahan xasaasannada lagala noqday, hasse ahaatee hogaamiyaha xisbiga taallada
haya ee dowlad deegaanka Soomaaliya Ahmed Shide ayaa sheegay in shaqsiyaadkan
laga saaray ka mid ahaan-shaha golaha iyo maamulka intaba la rumeysan yahay in
ay ka danbeeyeen rabashadihii gobolka ka dhacay oo ay ku dhiteen boqolaalka
ruux.
Cabdi Maxamud Cumar oo horaantii bishan laga
qabtay magaalada Jijiga kaddib markii ay gudaha u galeen ciidamada federaalka
Itoobiya ayaa la filayaa in uu maxkamad ka soo hor muuqdo isaga oo lagu soo
oogi doono dacwado kala duwan.
Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo ka hadlay arinta
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa yiri’’ Sharciga ayeey u taallaa waxa laga yeelayo
isaga iyo shaqsiyaadkii kale ee ka danbeeyay rabashadaha’’
Baarlamaanka dowlad deegaanka ayaa sidoo kale
shalay isku raacay in Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar uu noqdo madaxweyne ku-xigeenka
dowlad deegaanka ahn ku simaha madaxweynaha inta laga gaaray doorashada soo socta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]