4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2018
Uhuru Kenyatta : Weynu ka soo saari doonaa ciidamadeen-na Soomaaliya waqtiga ugu dhaw

 

Isniin, August, 27, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Kenya Uhur Kenyatta oo kulan la qaatay madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa kala hadlay arrimo dhowr ahoo ay ka mid yihiin iskaashiga ammaanka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Gaar ahaa Uhuru Kenyatta ayaa sheegay waqtiga ciidamada Kenya ay ka baxayaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay arrintan inay ka mid aheyd qodobada ay ka wada hadleen Madaxweynaha Mareykanka, wuxuuna tilmaamay in waqtiga ugu dhaw Soomaaliya ay ka soo saari doonaan ciidankooda.

“ Ciidamadeen-nu wey ka soo baxayaan Somaaliya Soomaaliya,waqtiga ugu dhaw ee macquulsan waxaanu ka wada shaqeyn doonaa dowladda federaalka sidii ay u xoojin lahaayeen ammaanka, islamarkaana u hanan lahaayeen nabadgelyada dalkooda” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo la hadlay VOA-da.

Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ay kala kulmeen culeys dhaqaale oo weyn, islamarkaana qarash ay hawlo kale ku qabsan lahaayeen ku bixiyaan ciidamada ka baxsan xuduudooda, sidaasi darteedna ay rabaan inay kala shaqeeyaan dowladda in si nabadgelyo ah xasiloooni loogu soo celiyo Soomaaliya.

“Ciidamada waanu ku soo celineynaa xuduudeena, sidaasi darteed waxaa naga yaraanaya qarash badan oo aanu ku bixino, annagu waxaan kala shaqeyney-naa Soomaaliya sidii ay isaga difaaci lahaayeen khatarta, maxaa yeelay khatarta keliya Soomaaliya kuma koobna”. ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Sanadkii la soo dhaafay 200 oo Askarta Kenya ah ayaa ka baxday Soomaaliya, halka qorshaha yahay in 200 oo kale ay ka baxaan Bisha December ee soo socota, taas oo qayb ka ah qorshaha markiiba 1,000 Askari oo AMISOM ah ay uga baxayaan dalka Soomaaliya.

Shanta dal ee ciidamada milatariga ku biiriyay hawlgalka AMISOM ee kala ah Burundi, Djibouti, Kenya, Uganda iyo Ethiopia, ayaa la filayaa in ay fuliyaan qorshaha ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]