4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2018
Saraakiil iyo ciidamo loo xiray arrimo la xiriira musuqmaasuq

 

Sabti, August , 25, 2018 (HOL)–Taliye ku-xigeenka hay’adda danbi-baarista dowladda Soomaaliya Bashiir Nuur Geedo oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xiray ku dhawaad 28 ruux oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya 

‘’Waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo waxaa jira xabsiga dhexe ee dalka 28 ruux oo isugu jiray saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed, kuwaa ku eedeysan in ay faraha kula jireen arrimo la xiriira ,musuqmaasuq’’ ayuu yiri taliye ku-xigeenka hay’adda danbi-baarista.

Taliye-ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in fal danbiyeed lagu eedeynayo xubnaha xiran uu dhibaato u keentay hab-sami u socodkii howlaha ciidamada iyo sugida nabad-galyada, isaga oo intaa raaciyay in wali baaritaanno socdaan.

Waa tiradii ugu badneyd ee ka tirsan ciidamada dowladda oo waayadan dowladdu soo bandhigtay iyadoo lagu eedeynayo arrimo salka ku haya musuq-maasuq.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata in ay u jiheysatay wax ay ugu yeereen la dagaalanka musuqmaasuqa, laakiin ay jiraan dad badan oo su’aalo ka keenay ilaa xeer inta hay’addaha arrimahan ku shaqada leh u madax-bannaan yihiin in ay la dagaalamaan.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa dhawaan sheegay in baaritaannada la xiriira musuq maasuq la wadi doono ilaa laga gaaro xafiisyada madaxweynaha yio ra’iisal wasaaraha dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]