4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2018
Adeeggii Internet –ka oo dib u soon noqday deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

 

Sabti, August , 25, 2018 (HOL)–Xiriirkii Internet –ka deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dib u soo noqday, gaar ahaan magaalada Jigjiga sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Qof ka mid ah dadka degan magaalada Jigjiga ayaa u sheegay wakaallada wararka China Xinhua in galab-nimadii Jimcaha shalay dib loo helay adeegii Internetka guud ahaa dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Laakiin wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac xukuumadda dhexe ee Itoobiya ee la xiriira dib u soo noqoshada Internet –ka iyo waliba markii hore oo hawada laga saaray intaba.

Hasse ahaatee adeega Internet-ka ayaa go’ay 04, bisha August oo ciidamada Itoobiya fara-gali ku sameeyeen xarumihihi waaweynaa ee looga arriminayay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiy, kaddib rabashado Qowmiyadu ku saleysan oo ka dhacay deegaanka.

Wax yar uun kaddib markii fara-galinta ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya waxaa xilkii ka degay madaxweynihii muddada dheer soo xukumayay deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo waqtigaa xilka ku wareejiyay wasiirkiisii maaliyada Axmed Cabdi Maxmed Ilkacase.

Hasse ahaatee fadhig golaha fulinta xisbiga ka arimiya deegaanka ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa madaxweyne loogu doortay in uu deegaanka ka noqdo Mustafe Maxmuud Cumar Cagjar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]