Adeeggii Internet –ka oo dib u soon noqday deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya
Sabti, August , 25, 2018 (HOL)–Xiriirkii Internet –ka deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dib u soo noqday, gaar ahaan magaalada Jigjiga sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.
Qof ka mid ah dadka
degan magaalada Jigjiga ayaa u sheegay wakaallada wararka China Xinhua
in galab-nimadii Jimcaha shalay dib loo helay adeegii Internetka guud ahaa dhulka
dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Laakiin wali ma jiro
wax war ah oo ka soo baxay dhinac xukuumadda dhexe ee Itoobiya ee la xiriira
dib u soo noqoshada Internet –ka iyo waliba markii hore oo hawada laga saaray intaba.
Hasse ahaatee adeega
Internet-ka ayaa go’ay 04, bisha August oo ciidamada Itoobiya fara-gali ku
sameeyeen xarumihihi waaweynaa ee looga arriminayay dowlad deegaanka Soomaalida
Itoobiy, kaddib rabashado Qowmiyadu ku saleysan oo ka dhacay deegaanka.
Wax yar uun kaddib
markii fara-galinta ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya waxaa xilkii ka degay
madaxweynihii muddada dheer soo xukumayay deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo
waqtigaa xilka ku wareejiyay wasiirkiisii maaliyada Axmed Cabdi Maxmed
Ilkacase.
Hasse ahaatee fadhig
golaha fulinta xisbiga ka arimiya deegaanka ay ku yeesheen magaalada Addis
Ababa ayaa madaxweyne loogu doortay in uu deegaanka ka noqdo Mustafe Maxmuud
Cumar Cagjar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]