4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2018
Askari ka tirsan ciidamada Jabuuti oo ku dhintay Qarax ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

 

Jimco, August, 24, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM uu ku dhintay Qarax miino oo degmada ka dhacay maanta.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa warbaahinta u sheegay in miinada oo lagu aasay meel waddada dhinaceeda ah uu haleelay gaadiid ay la socdeen ciidamada Jabuuti.

Qarax kaddib waxaa goobta tagay ciidamo kale oo gurmad ah oo isugu jira kuwa AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaa oo goobta ka qaaday askar kale oo wax yeello ka soo gaartay qaraxa.

Waddada ciidamada qaraxa lagula eegtay ayaa dhawr mar oo hore sidan oo kale waxaa uga dhacay qarax-yo, kuwaasi oo khasaare geystay, islamarkaana ay masuuliyadooda sheegteen Al-shabaab

Ma jirto ilaa iyo hadda wax faah faahin ah oo saraakiisha ciidamada Jabuuti ka bixiyeen qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]