Ra’iisal wasaare Abiye oo la kulmay ergo ka kala socta ismaamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya
Jimco, August, 24, 2018 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada
Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta oo Jimco ah kula kulmay Ergo gaareysa 700
qof oo laga soo kala xulay gobolada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay
siyaasiyiin, ganacsato, culumaa’udiin, dhalinyaro, haween iyo qeybo kale oo ka
mid ah bulshada dowlad deegaanka.
Ra’iisal wasaaraha ayaa Ergada kala hadlay xaalada is-bedelka ee ka jira dhulka gobollada
dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo colaadaha soo lab laabtay ee u
dhaxeeysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.
Ergada ayaa ka codsatay ra’iisul wasaare
Abiy Ahmed ka codsaday in uu aad u xoojiyo arrimaha garsoorka, islamarkaana
sharciga la horkeeno dadkii ku lug lahaa tacadiyo ka dhacay dowlad degaanka
Soomaalida Itoobiya.
Kulanka ayaa imanaya xili is badal weyn oo dhinaca maamulka ah uu ku yimid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kaddib markii uu meesha ka baxay madax-weynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]