Al-shabaab oo soo bandhigay muuqaalkii ugu horeeyay weerar sanadkii hore ay ku qaadeen saldhig ciidan, Barriire
Jimco, August, 24, 2018 (HOL) - Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay warbaahinta u soo
bandhigay hub iyo gadiid dagaal oo ay ku qabsadeen weerar bishii August sanadkii hore 2017 lagu qaaday saldhig ciidamada
xoogga dalka ay ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkan oo labada dhinacba uu khasaare xoog leh ka soo gaaray ayeey Al-shabaab
ku furteen iyo gaadiid dagaal iyaga oo ugu danbeyntii warbahinta u soo
bandhigay.
Al-shabaab oo barahooda bulshada oo galiyay
muuqaal soconayay wax ka badan 30 daqiiqo ayaa lagu soo bandhigay gadiid
dagaaal nooca CabdiBilaha ah ee la saaro qoryahay iyo walibaa gaadiid
caafimaad.
Weerarka
Al-Shabaab ku qaaday Bariire ayaa waxaa lagu bilaabay gaari wax-yaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay nin naftii
hure ahaa oo gaariga ku qarxiyay afaafka hore ee Xerada.
Al-shabaab ayaa sanadihii ugu
danbeeyayba weerarro joogta ah ku hayay xarumo ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ee Koonfurta
iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana ay xeeldheerayaasha arrimaha militer-gu
qabaan in Al-shabaab weeraradaa ka hellaan hub iyo gadiid faro badan, kuwaa oo
marka danbe lagu arko goobaha ay ku sameeyaan dhuula-tuska.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]