4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2018
Al-shabaab oo soo bandhigay muuqaalkii ugu horeeyay weerar sanadkii hore ay ku qaadeen saldhig ciidan, Barriire


Jimco, August, 24, 2018 (HOL) - Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay warbaahinta u soo bandhigay hub iyo gadiid dagaal oo ay ku qabsadeen weerar bishii August sanadkii hore 2017 lagu qaaday saldhig ciidamada xoogga dalka ay ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkan oo labada dhinacba uu khasaare xoog leh ka soo gaaray ayeey Al-shabaab ku furteen iyo gaadiid dagaal iyaga oo ugu danbeyntii warbahinta u soo bandhigay.

Al-shabaab oo barahooda bulshada oo galiyay muuqaal soconayay wax ka badan 30 daqiiqo ayaa lagu soo bandhigay gadiid dagaaal nooca CabdiBilaha ah ee la saaro qoryahay iyo walibaa gaadiid caafimaad.

Weerarka Al-Shabaab ku qaaday Bariire ayaa waxaa lagu bilaabay gaari wax-yaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay nin naftii hure ahaa oo gaariga ku qarxiyay afaafka hore ee Xerada.

Al-shabaab ayaa sanadihii ugu danbeeyayba weerarro joogta ah ku hayay xarumo ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana ay xeeldheerayaasha arrimaha militer-gu qabaan in Al-shabaab weeraradaa ka hellaan hub iyo gadiid faro badan, kuwaa oo marka danbe lagu arko goobaha ay ku sameeyaan dhuula-tuska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]