4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2018
Tababar loo soo xiray ciidamo qeyb ka noqonaya howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab

 

Jimco, August, 24, 2018 (HOL) – Saraakiil Britain ah ayaa tababar u soo xiray ciidamo gaaraya 500 oo askari kuwaa oo qeyb ka noqonaya howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka soconaya deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ka qeybgalay munaasabad tababarka loogu soo xirayay ciidamada ayaa uga mahad celiyay saraakiisha UK tababarka ay ku saacideen ciidamada iyo sida ay guud ahaan uga qeybqaadanayaan nabada Soomaaliya, iyaga oo dhinaca kalana kula dardaarmay ciidamada tababarka dhameystay in ay gutaan waajibka ka saran difaaca dadka.

Khaliif Cabdinaasir oo ah taliyaha qeybta 60aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ay ku soo dhaweynayaan ciidamadan cusub ee tababarka loo soo xiray, isaga oo intaa ku daray in qorshuhu yahay qaadista guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Xassan Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay tababarka loo soo xiray ciidamada ayaa boogaadiyay is bar bartaag UK oo sida uu hadalka u dhiggay wax-yaabo badan ku saaciday guud ahaan Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in ciidamada tababarka loo soo xiray la dagaalami doonaan wax uu ugu yeeray cadowga [Al-shabaab]

Koonfur Galbeed waxaa ay ka mid tahay deegaannada ay ku xooggan yihiin Al-shabaab oo gacanta ku haya qeybo badan oo ka mid ah gobolka, gaar ahaan deegaannada hoostaga gobolka Bakool, iyaga oo go’doomin joogta ah dhinaca kale ku haya degmooyinka ay dowladdu ka maamusho Bakool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]