4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2018
Nin Oday ah oo ka ganacsan jiray khudaarta iyo wiil 12 jir ah oo lagu dilay gobolka Bakool

 

Khamiis, August, 23, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in koox hubeysan toogasho ku dishay Nin oday ah oo ka ganacsan jiray khudaarta iyo wiil 12 sano jir ah sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen eheladda dadka la dilay.

Ninka odeyga ah ee la dilay ayaa la sheegay in uu khudaarta u iibgeyn jiray degmada Xudur oo ay maamusho dowladda Soomaaliya waxaana la dilay isaga oo saaray gadiidka Mooto Bajaajka , qofka kale ee isagana la dilay ayaa ahaa wiil yar oo da’diisa lagu sheegay 12 sano.

Dhab ahaan ama oga ilaa iyo hadda cida ka danbeysay dilka labada ruux, hasse ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in Al-shabaab ay ka danbeeyeen dilka labada ruux.

Shabaab ayaa go’doomin ku haya qeyba badan oo ka mid ah gobolka Bakool gaar ahaa degmada Xudur waxaana marar badan oo hore ay uga digeen ganacsatada gobolka in ay wax macaamil ganacsi ah la yeeshaan deegaannada ay dowladda ka maamusho gobolka Bakool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]