Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee dawlad deegaanka Soomaalida
Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar [Mustafe Cagjar] ayaa u sheegay dad uu kula
hadlayey magaalada Addis Ababa in uu ka shaqayn doono sidii loo beddeli lahaa
calanka dawlad-deegaanka.
Calanka ayaa qaybta dambe ku leh
midab buluug ah oo ay dhexda kaga taallo xiddigta cad ee shanta gees leh,
waxaana la joojiyey 8 sano ka hor, markii uu maamulka qabtay Cabdi Maxamuud
Cumar.
Hotel ku yaalla magaalada Addis
Ababa ayuu ugu sheegay dad lagu qiyaasay ilaa lixdameeyo qof in sidoo kale uu
ka shaqaynayo sidii kalmadda Itoobiya looga
reebi lahaa magaca dawlad deegaanka oo hadda ah Dawlad Deegaanka Soomaalida
Itoobiya, loogana dhigi lahaa dawlad deegaanka Soomaalida.
"Cafarta oo degta Jabuuti,
Itoobiya iyo Eritrea lama yiraahdo Cafarta Itoobiya, sidoo kalena Orommada oo
degta Kenya iyo Itoobiya Lama yiraahdo Orommada Itoobiya, sidaa darteed iima
muuqato sabab loo yiraahdo Soomaalida Itoobiya" ayuu yiri Mustafe Cagjar.
Wuxuu intaa ku daray in heesta
calanka la soo celin doono qaybtii ku jiri jirtay ee ahayd Soomaaliyey
toosa.
Maalmaha fasaxa ee dalka Itoobiya oo
ah Sabtida iyo Axadda ayuu sheegay Mustafa in uu ka shaqayn doono inuu soo
celiyo sidii Jimcaha iyo Axadda looga dhigi lahaa deegaannada Soomaalida,
ayadoo loo danaynayo Soomaalida iyo dadka aan muslimiinta ahayn.
Talaabooyinkan ayaa waxaa gadaal ka
riixayey kooxda dulmi diid ee ku kacsanaa nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar,
dhaqan galintoodana waxay u baahanaysaa in la waafajiyo nidaamka dastuuriga ah
ee u yaalla dawlad deegaanka.
Xigasho/BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]