3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2018
Laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii hore DDSI oo madaarka Hargeysa lagu qabtay

 

Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)– Laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumadii madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar, ayaa la sheegay inay dhuumasho ku soo galeen Hargeysa, isla markaana lagu qabtay madaarka Cigaal oo ay ka dhoofayeen.

Labadan wasiir oo kala ahaa Wasiirkii waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Ibraahim Aadan Mahad iyo wasiirkii Cadaaladda Cabdi Jaamac ayaa xadka Wajaale si qarsoodiya uga soo gudbay, maalmo ka dibna waxay doonayeen inay ka dhoofaan madaarka, waxaanay wararku sheegayaan inay ku sii jeedeen dalka Kenya.

Ciidanka Socdaalka Somaliland oo labadan masuul ka shakiyey ayaa wax ka waydiiyey sharciga ku dhoofayaan, taasina waxay keentay inay xabsiga u taxaabaan, haseyeeshee ma kala cadda in wali la hayo iyo in Itoobiya loo gudbiyey.

Xubno ka mid ah xukuumadii hore ee Cabdi Maxamed Cumar ayaa loo haysta dambiyo kala duwan oo ka dhacay deegaanka, gaar ahaa tii ka dhacay Jigjiga ee hantidda iyo dadkaba lagu waxyeeleeyey.

Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka duwan sidii ay hore ee ay ahaan jirtay, waxaaan xadka labadda dhinac dadka ku dhibi jirey ciidanka Liyuu booliska, haseyeeshee dadweynihii iskaga kala gooshi jirey ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin nidaamkii hore meesha laga saarayo, isla markaana ka raysteen dhibaataddii ciidankaasi ku hayey shacabka.

Ku simaha madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa isaga laftiisu ka mid ahaa dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay nidaamkii Cabdi Iley, ka dib markii walaalkii Faysal Cag jar ku dileen Dhagax buur, isla markaana Aabihiina xabsiga u taxaabeen.

Isbedelkan ka dhacay deegaanka Soomaalida ayaa dadka badankoodu soo dhoweeyeen, kuwaas oo sheegay in tacadigii dadka loo gaysan jirey ay meesha ka baxday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
8/23/2018 1:24 PM EST
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in koox hubeysan toogasho ku dishay Nin oday ah oo ka ganacsan jiray khudaarta iyo wiil 12 sano jir ah sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen eheladda dadka la dilay.

8/23/2018 1:15 PM EST
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)-Golaha wasiirrada Puntland oo magaalada Garoowe ku yeeshay shirkoodii toddobad lahaa ayaa ansixiyay dhowr xeer, waxaa shirka guddoominayay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

8/23/2018 10:47 AM EST
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)-Madaxweynaha cusub ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar [Mustafe Cagjar] ayaa u sheegay dad uu kula hadlayey magaalada Addis Ababa in uu ka shaqayn doono sidii loo beddeli lahaa calanka dawlad-deegaanka.

8/23/2018 10:23 AM EST
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)-Ku simaha madaxweynaha Cusub ee DDSI Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa sheegay in xoriyatul qawlkii iyo xuquuqda banidaa’nimada la ilaalinayo, waxaanu tilmaamay in wax kasta laga hadli karo haday tahay dastuurka Itoobiya iyo haddii isaga laftiisa la daacayadaynayo.

8/23/2018 10:00 AM EST
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay qof rayida ah oo la socday gaari Ambulance ah oo lagu siday qof meyd xili uu ku sii socday Aaskiisa.

8/23/2018 5:48 AM EST
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan xalay ku dileen degmada labo wiil oo sida la sheegay walaalo ahaa.

8/23/2018 2:34 AM EST
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)– Kooxda kubadda koleyga ee la magac baxday SYDOM oo ka dhisan Minnesota ayaa wacdarro la yaab leh ka dhigtay tartamadii ciyaaraha saaxiibtinimo oo ay ku cayaarayeen dalalka Europe sida: Ingiriiska, Sweden iyo Finland.

8/23/2018 1:54 AM EST
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)– Afhayeen u hadashay aqalka cad ayaa diidday inay sheegto goorta uu madaxweynuhu ogaa lacago Mr Cohen uu laba qof oo dumar ah siiyey, intii uu socday ololaha doorashada ee 2016, kuwaasoo sheegay in xiriir uu dhex maray ayaga iyo Mr Trump.

8/23/2018 1:21 AM EST
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Afar Xaaji oo Soomaali ah geeriyoodeen iyaga oo gudana-waajibaadka Xajka.

8/23/2018 12:51 AM EST
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)–Xaalada magaalada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa degan kaddib dagaallo culus oo labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada.

8/23/2018 12:03 AM EST
Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qorsheynaya in maalinta Jimcaha [Berri] magaalada Addis Ababa kulan kula yeesho 1000 qof oo ka kala socda deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.