4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2018
Kooxda SYDOM oo wacdaro ka dhigtay Tartamada cayaaraha saaxiib-tinimo ee Europe


Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)– Kooxda kubadda koleyga ee la magac baxday SYDOM oo ka dhisan Minnesota ayaa wacdarro la yaab leh ka dhigtay tartamadii ciyaaraha saaxiibtinimo oo ay ku cayaarayeen dalalka Europe sida: Ingiriiska, Sweden iyo Finland.

Kooxdan oo ka socotay ururka horumarinta HORUMARINTA DHALLINYARADA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA MINNESOTA oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan”SYDOM” ayaa iyagu cayaaray 9 ciyaarood, waxaana laga adkaaday hal ciyaar oo kaliya. Dhallinyaradan iyaga ah oo da’doodu ay u dhaxeysay 17 ilaa 23 air ayaa muujiyay qaab ciyaareed ay aad ugu riyaaqeen dadkii faraha badnaa oo u soo daawasho tagi jiray maalin kasta.

Mar aan la xiriiray tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Cabdulqaadir Xaaji Daahir “Shiikha” oo isagu hor kacayay wafdigaasi ciyaartooyda, ayaa ii sheegay in dhallinyarada ay muujiyeen Akhlaaq iyo ciyaar wanaagsan oo aad loogu ammaanay, iyaga oo mararka qaarkood la ciyaarayay kooxo D’a ahaan iyo jir ahaan ka waaweynaa.

Ujeedada safarkeenuna waxaa uu ahaa inaan u kuur galno oo aan raadino cayaartooyda Soomaaliyeed ee ku nool Europe oo ka qayb qaadan kara cayaaraha qaranka Soomaaliyeed iyo in dhallinyaradu is bartaan oo isdhex galaan waayo aragnimona kala kororsadaan iyo in dhallinyaradu arkaan nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku nool Europe.. Runtiina wax aad u weyn ayey ka soo kororsadeen isdhexgalka halkaasi ka billowday oo aan rajaynayo inuu noqdo mid aan joogtayno.

Waxan jeclahay inaan halkan ugu mahadceliyo tababarayaashii kooxda gacanta ku hayay oo kala ahaa: Sadik Haji iyo Khalid Hussein oo muujiyay dadaal dheeri ah iyo dhallinyaradii ka qayb qaadatay tartanka oo guusha soo hoysay kuwaasi oo kala ahaa: Dahir Haji,Faruk Ahmed, Mahad Haji, Ahmed Mohamoud, Jama Bulhan,Sakaria Haji, Adnan Guled, Mustafa Ali, Ali Ali, Mohamud Ahmed , Mohamed Khalif iyo Mohamed Yusuf .

Ugu dambeyntii Tababare Shiikha, waxaa uu mahadcelin ballaaran u soo jeediyay Dadkii suuro galiyay in cayaarahan ay ka qabsoomaan magaalooyinka London, Stockholm iyo Helsink iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan saddexdaasi magaalo oo dhallinyarada u muujiyay kalgacal dheeri ah iyo Soomaalinimo.