4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2018
Madaxii hore ee sirdoonka Itoobiya oo la amray in la soo xiro

 

Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)– Getachew Assefa wuxuu ahaa madaxii ugu sareeyay hay’adda sirdoonka Itoobiya, waxaa amar lagu bixiyay in la soo xiro isaga oo ku eedeysan in uu galay danbi-yo kala duwan muddadii uu xilka hayay.

Waxaa la sheegay in uu muddo bil ah ku qaatay hotel aan magaciisa la sheegin oo ku yaala magaalada Mekelle, ka hor inta uusan u bxsan dalka Suudaan.

Qaar ka mid ah saraakiisha Booliiska gobolka Tigray ayaa la sheegay in ay fududeeyeen baxsashadiisa, hasse ahaatee lama bixin faah faahin intaa dhaafiisan, sidoo kalana waxaa la sheegay in qoyskiisa- mar horeba isaga tageen dalkaasi Itoobiya.

Getachew Assefa oo ka mid ah sagaalka xubnood ee ugu sareeya guddiga fulinta ee xisbiga TPLF iyo xubin ka tirsan guddiga fulinta ee EPRD, ayaa lagu soo oogay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin rab-shadaha ku saleysan qowmiyadaha ee ka socda qaybaha kala duwan ee Itoobiya.

Waxaa ka mid ah danbiyada lagu eedeynayo dil, xarig sharci daro ah, jirdil, iyo ku tumashada awoodda iyo meel ka dhaca xuquuqda aadanaha.

Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa markii la magacaabay waxaa uu xilalka ka qaaday taliyeyaal ciidan oo ku jiray taliyihii sirdoonka Getachew assefa, isagoo ku bedelay taliyeyaal cusub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]