Duqeyn xalay lagu weeraray degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya
degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar bar
bar socday duqeyn xooggan ay xalay Al-shabaab ku soo qaadeen demada.
Dad ku sugan degmada Marka
ayaa warbaahinta u sheegay in gaar ahaan weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab uu
ka dhacay saldhig Booliis iyo xaafaddaha dulleedka ka xiga degmada.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada ayaa riday madaafiic ay kaga jawaabayaan
weerarka Shabaab, si dhab ah looma khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay
dagaalkan, inkastoo uu jiro khasaare labada dhinac ah.
Labo cisho ka hor ayeey aheyd
markii bartamaha degmada ay ku dagaalameen ciidamo hogaaaminayay abaanduulihii
hore ee xoogga dalka Jen Cabdullaahi Cali Caanood iyo xoogag ka tirsan
Al-shabaab oo gudaha u soo galay qeybo ka mid ah magaalada.
Marka ayaa sadanihi ugu
danbeeyay waxaa daashaday dagaallo wajiyo badan oo isugu jiray kuwa qabiil ku
saleysan iyo dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab taasoo ka dhigtay dadka
degmada kuwo mar walba cabsi la daris ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]