4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2018
Peter de Clercq : Toddobo shaqaale gargaar ah ayaa lagu dilay sanadkan Soomaaliya

 

Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Toddobo ka mid ah shaqaalaha gargaarka bani'aadamnimada ah ayaa sanadkan oo kaliya lagu dilay Soomaaliya, iyadoo 10 kale-na ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan hay'adda gargaarka ee Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Isu-duwaha Hawlaha Bani'aadamnimada, Peter de Clercq, ayaa ku baaqay in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka, isaga oo sheegay in shaqaalaha bani'aadamnimada wali ay wajahayaan hanjabaad uga imnaya kooxo kala gadisan taasoo ka hor istaagi karta in ay sii wadaan howlahooda samafalka.

"Waxey wali wajahayaan hanjabaad, taasoo ka hor iman karta in la gaaro dadka caawimaada u baahan" ayuu ku yiri war uu soo saaray habeenkii Axadda oo lagu beegay Maalinta Bani-aadamnimada Adduunka.

De Clercq ayaa ka digay hanjabaadaha culus ee ay la kulmayaan shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya, oo bartilmaameed noqday kooxaha hubeysan oo marka laga soo tago dilka sidoo kale ku kacaya afduub, xariga iyo boobista sahayda gargaarka.

Sarkaalka Qaramada Midoobay wuxuu xusay in 74 dhacdooyin rabshado wata oo saameeyay shaqaalaha gargaarka bani'aadamnimada, xarumaha caafimaadka iyo hantida laga diiwaan-galiyay dalalka Geeska Afrika tan iyo bilowgii sanadka 2018.

18 ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee la af-duubay sanadkan, lix ayaa weli ah la heystayaal oo ay ka mid tahay kalkaaliso u dhalatay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Sonja Nientiet, taasoo bishii Maajo ee sanadka laga afduubtay Muqdisho.

De Clercq ayaa sheegay in inkastoo tirada shaqaalaha gargaarka ee lagu bartilmaameedsanayay 2018 ay ka yar tahay tiradii sannadkii hore, laakiin haddana wali waxaa jira khataro iyo walwal ay wajahayaan samfalayaasha.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa wacad ku martay in ay talaabo qaaddo si loo yareeyo khatarta ka imaan karta shaqaalaha gargaarka.

"Wasaaraddeenu waxay ka shaqayn doontaa sidii loo heli lahaa siyaasado adag oo ilaaliya dadka rayidka ah, samafalayaasha iyo shaqaalaha caafimaadka," ayuu yiri Xamza Said Hamza, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bani'aadamnimada iyo Maareynta Musiibooyinka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 2.6 milyan oo qof oo Soomaali ah ay ku baro-kaceen dalka gudihiisa, waxaana ay intaa ku dartay baahida loo qabo yareynta xaalada barakaca.

"Waxaan soo dhaweyneynaa ballanqaadyada ay sameeyeen xukuumadda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada si ay wax uga qabtaan arrimaha ku saabsan barakicinta- iyadoo loo marayo heerarka caalamiga ah,"

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay dalalka ugu khatarta badan marka la eego howlgalada shaqaalaha gargaarka oo naftooda ku waaya mar marka qaar iyaga oo gacanta kula jira arrimo la xiriira u samafalida dadka jilicsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]