4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda Carafo

 

Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciidda caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

“Maalmahan barakaysani waa ayaamo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ku suntan isjacayl, wadajir iyo is-taakulayn, taasi oo muujinaysa dareenka walaal-tinnimo ee ka dhexeeya dadkeenna.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay istaakuleeyaan, isla markaasna garab istaagaan kooda itaalka daran maadaama isku-duubni , walaalnimo, wadajir iyo wax wada qabsi lagu gaari karo horumarka iyo himilooyinka la hiigsanayo.

Madaxweynuhu waxaa uu sidoo kale ku guubaabiyey shacabka in ay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo xasiloonida dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Muslimiinta gudatey waajibaadka Xajka,

“Dhammaan Muslimiinta gudatey waajibaadka Xajka sannadkan waxaan Alle uga baryayaa in uu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan. Xajku waa tiir weyn oo kamid ah tiirarka ay ku taagan tahay diinteennu, dawladda Soomaaliyeedna waxaa ka go’an inay u fududeyso muwaadiniinteeda gudashada waajibaadka Xajka.”

Maalinta Berri ahaa ayeey guud ahaanba muslimiinta dunida u dabaal- degayaan munaasabada Ciida Carafo oo ah mid ka mid ah ciidaha ugu ballaaran dunida muslimka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]