4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2018
Sheekh Shaakir : Waan ka soo horjeed-naa gudniinka fircooniga


Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Sheekir Cali Xassan ayaa magaalada Dhuus-mareeb kula kulmay Ifrah Ahmed oo ah gabar u olaleysa ka hortaga gudniinka fircooniga, xili ay booqatay hay’adda Ifrah Foundation qoyskii ay ka geeriyootay Deeqa Daahir Nuur oo sababsatay dhiig-bax ay ka dhaxashay gudniin lagu sameeyay.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in gud-niinka fircoonigu yahay dhibaato weyn oo bulshada ku dhax-faaftay, laakiin gaar ahaan dhibkiisa la dareemay kaddib markii ay u geeriyootay Deeqa oo aheyd gabar 10 sano jir ah.

Xubnaha ka socday Ifrah Foundation iyo Hay'ada Global Media Campaing ayaa booqday qoyskii ay ka baxday Deeqa iyaga oo ka xog wareystay sida ay wax u dhaceen, kaddib-na waxaa ay tageen oo la soo tusay xabaasha ay ku aasan tahay.

Faadumo Cismaan Cali oo ah Hooyada dhashay Deeqa ayaa sheegtay in magaca dhabta ah ee gabadheeda uu ahaa Xaawo, laakiin ay iyaga ugu yeeri jireen oo kaliya Deeqa oo ah magaca hadda war-baahintu isticmaasho.

Xamdi Maxamed waxaa ay saaxiibo ahaa-yeen Deeqa mar ay ka hadashay aqoontii ay u laheyd waxaa ay sheegtay in ay aheyd qof ay saaxiibo dhaw ahaa-yeen mar walbana  isla raaci jireen xoolaha gaar ahaan Ariga, waxey-na intaa ku dartay  in ay aad uga naxday warka ku saabsan geerideeda.

Falka ay ku dhimatay Deeqa ay naxdin ku abuuray gabdho badan oo isla-deegaan ah kuwaa oo ka cabsi qaba in ay maraan waddadii ay martay saaxiib-toodii hore Deeqa.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa yiri: Dhacdadan kama dhicin Dhuusa-Mareeb waxaa ay ka dhacday deeganka (LA-SOLEY) waxaana idinku boorineyna in aad karun sheegtaan sida wax u dhaceen iyo meesha ay ka dheceen-ba.

Wuxuu kaloo sheegay in arrimahan noocan oo kale ah iyo sidii looga hortagi lahaa loo saaray guddi , gaar ahaan kiiska dhimashada gabadha yar.

Taliye Booliis oo gacanta ku haya kiiskan ayaa sheegay in ay soo xireen qofkii falka gudniinka ah sameeyay, islamarkaana ay baaritaan ku wadaan.

Gudniinka ayaa ah caado dhaqameed aan raad ku laheyn shareecada Islaamka, islamarkaana dhibaato caafimaaad ku reebta marka danbe hablaha Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]