3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2018
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame : Dowladda Soomaaliya Wali kama bixin "Nimaadkii Ku-Meel Gaarka"


Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame xilal kala duwan horay uga soo qabtay dowladihii isaga dan-beeyay dalka Soomaaliya, islamarkaana hadda ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir oo maalmihii ugu danbeeyay socdaal ku marayay dalalka dibeda ayaa warbixin guud ka siiyay Soomaalida ku dhaqan magaalada Toronto xaalada guud ee wadanka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa khubadiisa ku bilaabay in uu aaminsan yahay in maanta Soomaaliya meel wanaagsan joogto marka loo eego halkii ay ka timid’’ Annaga Shaqsi-yana waxaan aamin-sanahay in Soomaaliya meelwanaagsan joogto marka loo eego halkii ay-nu ka nimid, dowladnimada Soomaaliya wixii ka danbeeyay bur burkii waxaa ay ka soo bilaabatay Jabuuti oo lagu soo dhisay dowladdii uu madax-weynaha ka ahaa CabdiQaasim Salaad Xassan, waxaa ku xigtay tii Nairobi ee uu madaxweynaha ka soo noqday Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ilaa markii danbe dowladdii aan Anniga ka midka ahaa soo gaar-siiso dalka in 2012-kii gudaha wadanka lagu doorto madaxweyne’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Laakiin haddana waxaa uu sheegay in dowladdahaa oo dhan hababkii ay u soo dhismeen ahaayeen kuwo isku noocan oo odayaasha dhaqanku soo xulayeen xildhibaannada, inkastoo markii danbe la ballaariyay oo la gaarsiiyay gobollada dalka in ay ergo ay soo xulaan xildhibaannada.

‘’Hadda waxeynu rab-naa in xisbiyo doorashada lagu galo, waayo sida aad og-tihiin wali dowlad-nimada Soomaaliya kama bixin Ku-meel-gaar, in ay Ku-meel-gaar ku jirtana waxaaba diliil u ah waxaa ka furan xafiiska Qaramada Midoobey ee uu madaxda ka yahay qofka wakiilka ka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, haddii aad maqasho wadan uu joogo wakiil SRSG waa wadan wali gacanta lagu hayo oo aan ka bixin Ku-meel-gaar, ma joogaan Kenya, majoogaan Itoobiya, ma joogaan Uganda, Sudan iyo wadamada daris-keena ah sida Eritrea sababtoo ah dowlad-nimadooda ayaa la ictiraafsan yahay ayuu yiri ‘’ Cabdiraxaan Cabdi Shakuur Warsame.

Wuxuu sheegay in watiga kala guurka iyo ku-meel-gaarnimada Soomaaliya looga bixi karo oo kaliya marka la heli soda uu hadalka ku dhiggan ciidan Soomaaliyeed oo amniga kala wareega ciidamada AMISOM oo hadda ilaaliya madaxda iyo hay’addaha dowlada, taasoo muujineysa ayuu yiri wali Soomaaliya aysan u madax-bannaaneyn go’aamadeeda siyaasadeed.

Khudbada oo aheyd mid dhinac-yo badan taabaneysa ayuu sidoo kale ku soo hadal qaaday sida waqtigan loogu baahan yahay dowlad-nimo la wada leeyahay oo an ku dhisneyn ayuu yiri Kiligii-talis-nimo, laakiin ku timaada Dimuquraadiyad iyo is ogolaasho.

Dhinaca Amniga ayuu sheegay in dowladda hadda jirta ay ku fashilantay isaga oo tusaale u soo qaatay weerarkii lagu qaaday bil ka hor xarunta Wasaaradda Amniga gudaha, iyo magacaabista sida uu hadalka u dhigay guddoomiyayaal maxkamadeed iyo xeer-ilaaliyayaal aan waligood ka shaqeynin arrimaha garsoorka iyo cadaallada.

Isaga oo si gaar ah Hiiraan Online arintan uga waramay ayuu yiri’’ Hadda Ra’iisal wasaaruhu waxaa uu wadaa isla xisaabtan hay’addaha fulinta ah, sidaa loola xisaab-tamayaa tusaale ahaan mas’uuliyiinta Amniga, markii uu falkaasi dhacay kaddib, halkii ay bulshadu filayeen in lala xisaab-tamo mas’uuliyiinta wasaarrada Amniga waxaa xilkii laga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Aw-qaafta oo ah labo arrimood oo aad u kala fog, sidoo kale waxaa maalin walba la magacaabayaa guddoomiyayaal maxkamadeed aan waligood ka soo shaqeyn arrimaha garsoorka iyo cadaallada [oo Aan Aqoon u Laheyn] ayuu yiri Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame.

‘’Dastuurka Soomaaliya waxaa la qoray 1982, qofka noqonaya guddoomiyaha maxkamada sare waxaa ku qoran in Shan sano uu soo ahaa guddoomiye maxkamad degmo, Shan sano in uu soo ahaa guddomiye maxkamad gobol, Shan sano in uu soo ahaa guddoomiye maxkamad racfaan iyo in uu Shan sano soo ahaado guddoomiye maxkamada, ka waran marka haddii aniga waligey maxkamad iyo meel ay ku taalo tagin haddii leyga dhigo guddoomiye maxkamad sare’’ ayuu is weydiiyay Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Dhinaca kale waxaa uu siweyn u dhaliilay habka loo dhisayo hay’addaha amnig iyo bixinta darajada ciidamada isaga oo tusaale u soo qaatay magacaabistii ugu danbeysay ee uu sameeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

‘’Waan ogolnahay in dhalinyarada fursad la siiyo, hadda waad ogtihiin wiil iyo gabdho dhalinyaro ah ayaa hay’addaha Amniga loo magacaabay, laakiin in lagu yiraahdo Nin dhalinaro ah oo meel iska joogay oo xidig ama la xig ka gaaray darjada ciidamada in mar kaliya la dhaho S/Guute ayaa tahay ee xilkan qabo, waxaa ka habooneyd taa in yiraahdo darjadii ayaa hoos loo dhigay oo Kabtan ayaa ugu sareeya ciidamada, sidaa daraadeed ma rabno in hay’adda amni oo been ah in aan dhisno oo dad garaato leysaga tixo’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hiiraan Onlne ayuu sidoo kale u sheegay in ay muhiim tahay in si loo dhiso dowladnimada Soomaaliya wax laga qabto Lix qodob oo Saddex ka mid ah uu ku sheegay Amniga halka saddexda kalana siyaasada la xiriirto.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in hay’addaha Amniga dalka iyo cadaallada loo dhiibo dad aqoon sare u leh oo soo yag-liili kara dhsmaha hay’addo lagu kalsoonaan karo uu ka shaqeeya nabad-galyada iyo garsoorka wadanka.

Siyaasiga ayaa sidoo kale aad u weeraray siyaasada arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay lagu tilmaami karo [Siyaasad habeen Guur ah oo meel loo raaco  laheyn]

‘’Dad ayaa ku dhahaya Soomaaliya waa dhaxdhaxaad, sidee dhax-dhaxaad ku noqonee haddii aad safiir garoonka diyaaradaha Muqdisho ku bahdisho oo aad lacag uga qaadato, mid kalana aad madax-tooyada ku marti-qaado’’ ayuu yiri isaga oo ula jeeday safiirrada dowladdaha Imaaraadka iyo Qatar ee Soomaaliya.

Ugu danbeytii CabdiShakuur Warsame laga digtoonnaado duminta dowlad-nimadii sida uu yiri laga soo dhibaatada badan in halkan la soo gaarsiiyo, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed qaadan karin wax uu ugu yeeray dowlad-nimo la kala leeyahay oo aan ku dhisneyn sinnaan iyo cadaallad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/20/2018 2:56 PM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Toddobo ka mid ah shaqaalaha gargaarka bani'aadamnimada ah ayaa sanadkan oo kaliya lagu dilay Soomaaliya, iyadoo 10 kale-na ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan hay'adda gargaarka ee Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika.

8/20/2018 1:42 PM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

8/20/2018 10:45 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadalo hanbajaad ahaa oo ka soo yeedhay maamulka Puntland ee Soomaaliya.

8/20/2018 9:30 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL)-Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Sheekir Cali Xassan ayaa magaalada Dhuus-mareeb kula kulmay Ifrah Ahmed oo ah gabar u olaleysa ka hortaga gudniinka fircooniga, xili ay booqatay hay’adda Ifrah Foundation qoyskii ay ka geeriyootay Deeqa Daahir Nuur oo sababsatay dhiigbax ay ka dhashay gudniin lagu sameeyay.

8/20/2018 7:39 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay in 10-ka bisha September uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka.

8/20/2018 5:52 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Waxaa looga baahan yahay dowladda Itoobiya in ay samayso hawlgal xaqiiqo raadin ah, qoto dheer, isla markaana madax bannaan si ay uga salgaarto tacaddiyada xuquuqda aadanaha iyo jebinta xeerarka dagaalka ee sanadaha badan ka socday deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya, waxaa sidaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Waa in arintaasi ay qeyb ka noqdaan baaritaanno gaar ah oo lagu eegayo mas’uuliyadda ay tacaddiyadaasi ku leeyihiin saraakiil sarsare oo gobolkaasi ah, gaar ahaan madaxweynihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaamiyaha haatan ee ciidanka Liyu booliska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Burale.

8/20/2018 1:24 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Malaayiinta Muslimiinta ah sanadkan xajinaya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ka soo anbabaxaan deegaanka Mina iyaga oo u jiheysan doona Buurta Carafo,halkaasoo lagu wado in ay ku gutaan mid ka mid ah Ruk-niyada ugu muhiimsan Xajka.

8/20/2018 1:04 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL) -Kaddib kulan maalmihii ugu danbeeyayba uga soconayay magaalada Addis Ababa xubnaha ugu sareeya xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa leysku afgartay in ka mid ahaanshaha xisbiga laga saaro saddex xubnood oo ku ku eedeysan in ay ka danbeeyeen rabshadii ka dhacay magaalooyinka waaweyn ismaamulka Soomaalida.

8/20/2018 12:55 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL)–Saraakiisha Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in uu socdo qorsheo dhalinyarada xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku nool ay kaga wacyi gelinayaan ku biirida Ururka Al Shabaab.