Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Malaayiinta Muslimiinta ah sanadkan xajinaya ayaa lagu wadaa in
saacadaha soo socda ka soo anbabaxaan deegaanka Mina iyaga oo u jiheysan doona Buurta Carafo,halkaasoo lagu
wado in ay ku gutaan mid ka mid ah Ruk-niyada ugu muhiimsan Xajka.
Qaban-qaabo xoog leh oo arintan ku saabsan ayaa
socta iyadoo basas looga soo qaadayo
degaanada ay kala degan yihiin, waxaana ay isugu tagayaan dhulka barakaysan ee
Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka Xajka ee sanadkan.
Amaanka ayaa siweyn loo adkeeyay waxaan la
arkayaa ciidamo aad u badan oo ku sugan
weyn ee magaalada Maka Al-mukarama, waxaana gawaarida laga mamnuucay
isticmaalka wadooyinka Masaajida Barakaysan.
Saraakiisha ku howlan arrimaha xajka ayaa sheegay in sanadkan ay laba laabeen dadaalka iyo u adeegista martida dhulka barakeysan.
Maalinta Berri ah ayaa guud ahaanba dunida muslimka looga diyaar-garoobayaan
u dabaal-dega maalinta koowaad Ciidul Adxaa oo ka mid ah ciidaha ugu waaweyn ee
Muslimiintu leeyihiin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]