Isniin, August, 20, 2018 (HOL) -Kaddib kulan
maalmihii ugu danbeeyayba uga soconayay magaalada Addis Ababa xubnaha ugu
sareeya xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa leysku
afgartay in ka mid ahaanshaha xisbiga laga saaro saddex xubnood oo ku ku
eedeysan in ay ka danbeeyeen rabshadii ka dhacay magaalooyinka waaweyn
ismaamulka Soomaalida.
Shir jaraa'id oo uu Axmed Shide ku qabtay Addis
ababa, kaddib gabagabadii kulankaas, ayuu ku sheegay in 3 xubnood laga saaray
guddiga fulinta, 8 xubnoodna laga saaray golaha dhexe ee xisbiga.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xisbigu go’aaday in
tallaaabo laga qaaday cid kasta oo qeyb ka noqotay kicinta bulshada iyo
rabashadii dhimashada sababay ee ka dhacay deegaannada Ismaamulka Soomaalida
Itoobiya.
‘’Waxaa jirta talaabo xagga sharciga la xiriirta oo laga qaadayo dadka
dambiyada gaystay intii ay rabshaduhu socdeen, "ayuu yiri Axmed Shide.
Laakiin guddoomiye Shide ma uusan sheegin magacyada xubnaha isku darkoodu
gaarayo 11ka ruux ee laga saaray golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga.
Hadalka wasiir Axmed Shide ayaa ku soo beegmaya
ayadoo magaalada Addis Ababa ay sidoo kale kulan u fadhiyaan guddoomiyeyaasha
11ka gobol ee DDSI iyo 5ta xubnood ee gobol kasta ugu sarraysa xagga maamulka,
iyo sidoo kale wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada maamulka DDSI.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]