3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2018
Shirkii dowladda Federaalka iyo Puntland uga socday Garoowe oo la soo gabagabeeyay


Khamiis, August, 02, 2018 (HOL ) - Shir gaar ah oo magaalada Garoowe uga socday golaha wasiirrada dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedka Puntland ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, waxaana dhinac fadhiyay oo shirka ka qeybgalay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa ,Cabdixakiim Xaaji Cumar (Cameey).

Afhayeenka madaxtooyada Puntland,Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) ayaa marka uu soo dhammaaday kulanka dowladda Federaalka iyo Puntland, wuxuu faahfaahiyay qodobbada looga hadlay, wuxuu sheegay shirka in diirrada lugu saaray wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo Puntland, waxaa inta dheer oo shirka lugu soo qaaday xoojinka dowlad-nimada Soomaaliya iyo nidaamka federaalka.

" Waxaa muhiim u ah Puntland oo shirka lugu soo qaaday dowladda Federaalka mashruuca ay waddo oo ah sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa deynta ballaaran ee lugu leeyahay, si ay u suuragasho inay Soomaaliya oo dhan qaadato mashaaric horumarineed... shirka waxaa kalo la isku afgartay in la sameeyo guddiyo farsamo oo ka shaqeeya qodobbada ay isla-garteen DF iyo Puntland." ayuu yiri afhayeenka Puntland.

Shirkan waxaa kalo lugu go'aamiyay in si dhaqso ah loo sii daayo maxabiis ku jirta xabsiga dhexe magaaladda Garoowe, kuwaasi oo ku dhow 600 boqol muwaadin oo loo haysto falal burcad badeednimo ah, si ay ugu dhamaystaan xukuno ay ku rideen maxkamadu ku yaalla dalka dibadiisa, iyaddoo loo marayo hab sharci ah, daba-galka arrintaanna ayaa waxaa loo xil saaray ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka Cadaaladda Soomaaliya.

Docda kale, waxaa hadda bilowday shirka golaha wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ah kulamdii khamiislaha ahaa ee wasiiradu ay yeeshaan isbuuc walba, kaas oo markii ugu horreeysay lugu qabannayo magaalada Garoowe.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online













Click here
8/2/2018 5:05 PM EST
Khamiis, August, 02, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaacisay in loo tartami doono xilka guddoomiyaha Bankiga dhexe oo markii hore ku iman jiray magacaabis.

8/2/2018 9:46 AM EST
Khamiis, August, 02, 2018 (HOL ) -Shirka golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe, kaddib saacado badan oo dadaal lugu bixiyay shirkan inuu qabsoomo,markii ay ka soo horjeesteen xubno ka tirsan Puntland.

8/2/2018 9:44 AM EST
Khamiis, August, 02, 2018 (HOL ) -Shirka golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe, kaddib saacado badan oo dadaal lugu bixiyay shirkan inuu qabsoomo,markii ay ka soo horjeesteen xubno ka tirsan Puntland.

8/2/2018 8:52 AM EST
Khamiis, August, 02, 2018 (HOL) – Sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal rag hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dilay ganacsade dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo lagu naaneysi jiray [Dable Pilot] Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

8/2/2018 6:05 AM EST
Khamiis, August, 02, 2018 (HOL)–Kaddib fadhiyo is xig-xigay oo ay soo martay dhageysiga dacwda xubnahan la sheegay in ay yihiin horjogayaal ka tirsan Daacish ayeey ugu danbeyntii maxkamada ciidamada qalabka sida xukun riday labadan eedeysane.

8/2/2018 4:22 AM EST
Khamiis, August, 02, 2018 (HOL)–Dadaallada lugu raadinnayo qabsoomida shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada Federaalka oo ka dhaca Garoowe ayaa wali socda, markii shirka ay ka horyimaadeen xubno ka tirsan Puntland.

8/2/2018 3:36 AM EST
Khamiis, August, 02, 2018 (HOL) – Senator Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka mid ah golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa xukuumadda federaalka ka dalbaday in la-dadaijiyo wada-hadallada Soomaaliland,kaddib kulan gaar ah oo magaalada Garoowe uu kula qaatay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland.

8/2/2018 2:09 AM EST
Khamiis, August, 02, 2018 (HOL)–Dowladda Jabuuti ayaa cadeysay mowqifkeeda la xiriira hadal dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeediyay magaalada Asmara kaddib booqasho saddex cisho qaadatay oo uu halkaa ku tagay.

8/2/2018 1:21 AM EST
Khamiis, August, 02, 2018 (HOL) – Qof isku so xiray walxaha Qarxa ayaa fiidnimadii xalay ku dilay magaalada Buuhoodle sida saddex ruux oo labo ka mid ahaayeen mas’uuliyiin horey xilal u soo qabtay.

8/2/2018 1:00 AM EST
Khamiis, August, 02, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalad Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta lagu wado in uu halkaa ka furmo shirkii golaha Wasiirrada Soomaaliya ee todobaad walba maalinta Khamiista ah lagu qaban jiray magaalada Muqdisho.