Khamiis, August, 02, 2018 (HOL ) -Shirka golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa
goor dhow ka furmay xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada
Garoowe, kaddib saacado badan oo dadaal lugu bixiyay shirkan inuu
qabsoomo,markii ay ka soo horjeesteen xubno ka tirsan Puntland.
Shirka oo u guddoominayo ra'iisul
wasaaraha xukuumadda Federaalka, Xasan Cali Khayre,waxaa kalo ka qeybgalaya
madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ku-xigeenkiisa iyo
wasirrada Puntland.
Lama oga ajandayaasha shirka looga
hadlayo, balse wasiirka ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa u sheegay Hiiraan
Online shirka inuu qeyb ka yahay kulamadii toddobad-laha ahaa ee golaha
wasiirrada,waxaase uu kulamadii hore uga duwanyahay shirka inay ka qeybgalayaan,
madaxweyanaha Puntland, ku-xigeenkiisa iyo golaha wasiirrada.
Horey golaha wasiirrada ayaa ugu
shirey magaalada Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana Garoowe ay noqoneysa magaalada
saddexaad ee ka baxsan caasimadda Muqdisho oo shirka martigalisa.
Wixii ka soo baxa shirka kala soco
Hiiraan Online
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online