4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2018
Rag hubeysan oo goor dhaw ganacsade dhalinyaro ah ku dilay Muqdisho

 

Khamiis, August, 02, 2018 (HOL) – Sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal rag hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dilay ganacsade dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Sheekh Cali [Dable Pilot] Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

Ninkan dhalinyarada ee la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa ganacsade hal abuurka lahaa, isaga oo madax ka ahaa sida ay dad kala duwan inoo sheegeen shirkadda Start Up Grind oo ah Shirkad dhalinyarada ku dhiiragelisa hal abuurka ganacsiga, sidoo kalana magaalada ka aas-aasay goobaha Laundry ee lagu dhaqo dharka Suudadka ah.

Toogashada ayaa dhacday xili marxuumka gaari uu watay uu dhiganayay ilinka hore ee Baarka Spaghetti House oo ku-yaala inta u dhaxeysa Isgoosyada Banaadir iyo Digfeer.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay tageen goobta toogashadu ka dhacday, hasse ahaatee uma aysan suurtagalin ay gacanta ku dhigeen raggii dilka geystay oo markiiba goobta isaga cararay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]