4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2018
Guddi wasiirro Puntland iyo Federaalka ah oo ku shiraya Garoowe

 

Khamiis, August, 02, 2018 (HOL) – Dadaallada lugu raadinnayo qabsoomida shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada Federaalka oo ka dhaca Garoowe ayaa wali socda, markii shirka ay ka horyimaadeen xubno ka tirsan Puntland.

Xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe, wuxuu hadda shir uga socda guddi wasiirro Puntland ah iyo xubnaha Puntland ku matalaya dowladda federaalka ee wasiirro iyo xildhibaanno isugu jira , kuwooda ku sugan magaalada Garoowe - waxaana kulanka diirrada lugu saaraya xal u helida madmadowga soo kala dhexgalay labada dhinac , xukuumadda federaalka ayaa ku dadaallaysa inuu qabsoomo shirka wasiirrada.

"Shirkan waxaa la sugaya natiijada ka soo baxda, taas oo suragal ka dhigi karta inuu qabsoomo shirka golaha wasiirrada federaalka, waa haddii xal laga gaaro khilaafka taagan." ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Puntland oo la hadlay Hiiraan Online.

Docda kale, wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku sugan Garoowe oo codsaday inan magaciisa la baahin ayaa u sheegay Hiiraan Online inuu qabsoomayo shirka golaha wasiirrada, wuxuuna sheegay in xal laga gaaray khilafkii tagnaa , isagoo inta ku daray wasiirrada Puntland iyo federaalka ee shirka u socda arrinata ay ka wada-hadalayaan inay tahay sidii loo xallin lahaa arrimaha khilaafka dhaliyay.

Khilafka waxaa sal u ah markii uu is-badbadal ku yimid jadwalka booqashada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee Puntland , wuxuu ka baaqday ra'iisul wasaare Khayre ka qeybgalka dhagax-dhiga dekedda Garacad ee gobolka Mudug, waana halka uu ka bilowday khilaafka taagan oo xata sabab u noqday in dib loo dhigo munaasabadda xuska 1 August oo ku beegan aasaaska Puntland oo Garoowe lugu qaban -lahaa.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Hiiraan Online

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online