4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2018
Booqashadii madaxweyne Farmaajo ee Eritrea oo xiisad ka dhax- abuurtay Soomaaliya iyo Jabuuti

 

Khamiis, August, 02, 2018 (HOL) – Dowladda Jabuuti ayaa cadeysay mowqifkeeda la xiriira hadal dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeediyay magaalada Asmara kaddib booqasho saddex cisho qaadatay oo uu halkaa ku tagay.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xassan Aadan oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dowladda Eritrea sida uu hadalka u dhigay xoog ku heysato qeyb ka mid ah dhulka Jabuuti iyo gaar ahaan Jasiiradaha Doumeira iyo 10 Maxbuus oo reer Jabuuti ah.

‘’Shaki kama jiro in Soomaaliya ay xaq u leedahay hagaajinta xiriirka ay la leedahay wadamada dariska ah, laakiin waxaa wax la aqbali karo aheyn in madaxweynaha Soomaaliya uu ku taageero Eritrea xoog ku heysashada dhulka qeyb ka mid ah Jabuuti iyo maxaabiis’’ ayuu yiri safiirka.

Safiirka ayaa intaa ku daray in war laga naxo uu ahaa hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in cunaqabateynta saran laga qaado Eritrea.

Jabuuti ayaa qeyb ka ah wadamada ku tabarucay ciidamada nabad-ilaalinta Soomaaliya ee qeybta ka howlgalka midowga Africa, waxaana dhowr Kun oo ciidamo ah ka joogaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

‘’Wiilasheen-na waxaa ay naftooda u hurayaan nabada Soomaaliya, xili walaalahood ay maxbuus ku yihiin Asmara, sidaa daradeed kuma faraxsanaan doonaan in ay maqlaan hadalka qaldan ee madaxweynaha Soomaaliya, ayuu yiri safiirka Jabuuti.

Wuxuu sheegay safiirka in mar walba ay soo dhaweynayaan dhaqdhaqaaqa nabadeed iyo kan diblomaasiyadeed ee Geeska Africa, hasse ahaatee aan wali la xalin khilaafka labada dowladood ee Jabuuti iyo Eretria.

Wali dowladda Soomaaliya wax war ah kama aysan soo saarin hadalka ka soo yeeray Jabuuti oo qoonsatay khudbadii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay Asmara.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]