4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2018
Gen Caanood oo beeniyay in uu hub iyo ciidan la goostay

 

Axad, August, 19, 2018 (HOL)- Abaanduulihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood oo uu dhawaan madaxweyne Farmaajo xilkii ka qaaday ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxay oo sheegaya in uu la goostay gadiid dagaal iyo ciidan.

Wuxuu sheegay in hadda isaga iyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed howlgal ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeelllaha dhexe, gaar ahaan wuxuu intaa ku daray in dagaal uu ku dhaxmaray ciidamada uu hogaaminayo iyo Al-shabaab degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Mar wax laga weydiiyay wax ka jira in uu ka carooday xil ka qaadistii uu dhawaan ku sameeyay madaxweyne Farmaajo ayuu yiri ‘’ "waxaasi waxba kama jiraan, waa wixii Soomaali ku hoogtay oo ku ba'day, ilaahna naguma jirrabo", hadalkaas oo uu ula jeeday inuusan diyaar u ahayn dagaal jabhadayn ah.

Jen Caanood ayaa intaa ku daray in uu xilka ku wareejin doonto taliyaha cusub marka uu soo dhamaado howlgalka uu hadda u joogo gobolka Shabeellaha hoose.

Warka ku saabsan in Abaanduuluhu la goostay gadiid dagaal iyo ciidamo ayaa soo baxay kadib markii laga war-helay in isago ku dhawaad 40 gadiidka dagaalka ah oo Al-shabaab ay jidgooyo u dhigteen deegaan aan wax badan ka fogeyn degmada Shalanbood ee gobolka Shabeellaha dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]