4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2018
Hanti-dhowrka Qaranka : Isla xisaabtanku wuxuu gaarayaa xafiis-yada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dalka

 

Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay-ba xafiiska hanti-dhowrka guud ee dowladda Soomaaliya uu ku howlanaa daba-gal lagu sameynayo hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dowladda oo qaarkood hadda xabsiga loo dhigay arrimo musuq-maasuq la xiriira ayaa sheegay in isla xisaabtanku gaari doono xafiis-yada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dalka.

Maxamed Maxamuud Cali Afgooye hanti-dhowraha Qaranka oo maanta kulan la yeeshay guddiga maaliyada Baarlamaanka ayaa tafaasiil dheeraad ah ka siiyay tallaabooyinkii ugu danbeeyay ee uu xafiisku qaaday.

“Xafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xiran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha Dowladda oo arrimo Musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaa”. ayuu yiri Hanta dhowraha Qaranka.

“ Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. ayuu yiri hanti dhowraha qaranka.

Hanti dhowraha Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga Maaliyadda ka codsaday iney kala shaqeeyaan meel marinta sharciga Hanta dhowrka oo Golaha wasiirada ay ansixiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka Maxamed Aadan Macalin oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu wado Hanti dhowrha, sidoo kale waxa ay ka codsadeen inuu sii laba jibaaro howlaha la xisaabtanka.

“ Aad baa u bogaadinaya howsha wanaagsan ee ka socota xafiiska hanta dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga hanta dhowraha wa ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah wa ku biirineynaa”. ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kullamada Guddiga uu la yeelanayo hay’addaha iyo Guddiyada Madaxa banaan ee shaqo wadaaga ay yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]