4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2018
Puntland " Dagaal wuu dhacaya haddii aysan Soomaaliland ka bixin deegaannada ay ku soo duushay"

 

Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Guddiga difaaca Puntland oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa beeniyay inuu jiro heshiis laga gaaray colaada gobolka Sool,waxaana ay ku celiyeen inaysan jirin wax gorgortan ah oo ay ka galayaan deegaannada ay Soomaaliland ku sugantahay.

"Haddaad wada-hadal dooneysaan waa inad ku laabataan dhulkii aad deegaanka u lahaydeen .. waa inad ku laabataan dhulkii isirkiina iyo dadkiinu degganaa, laakin ma jiro cid wada-hadal laga-galayo Sool iyo Sanaag." ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).

Qarjab, wuxuu beeniyay wararka ku aadan in heshiis horu-dhac ah ay Puntland kala gashay Soomaaliland xaaladda deegaanka Tukaraq, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidammo labada dhinac ah tan iyo bishii January ee sannadkan, wuxuu inta ku daray inaysan jirin wax wada-hadal ah oo labada dhinac dhex-maray iyo wax heshiis ah oo ay kala saxiixdeen.

Docda kale, Wasiirka arrimaha gudaha Puntland,Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo guddiga difaaca ka mid ah ayaa sheegay inuu dagaal dhacayo haddii aysan Soomaaliland ka bixin deegaannada ay ku soo duushay " shacabka Puntland waxaan u sheegaya dagaal wuu dhacaya.. war walaahi wuu dhacaya haddii aysan Soomaaliland ka bixin deegaannada ay ku soo duushay."ayuu ku sii daray hadalkiisa.

Dadaallo lugu doonayay labada dhinac inay wada-hadal ka galaan xaaladda ka taagan deegaanka Tukaraq iyo deegaannada kala ee lugu muransan-yahay ayaa hadda u muuqda inay guul-darreysteen, dadaallada oo ay garwadeen ka ahaayeen UNSOM iyo IGAD.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online