4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2018
Muslimiin caalamka isaga kala timid oo maanta bilaabaya acmaasha Xajka

 

Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Tirada muslimiinta caalamka ka timid ee ku sugan magaalada barakaysan ee Maka ayaa lagu qiyaasay 2 milyan oo qof si ay u gutaan waajibaadka xajka, waxaana maanta bilaabmay howsha gudashada acmaasha xajka.

Xajka sannadkan ayaa imaanaya xilli dowladda Sucuudiga ay isku dayayso inay dhaqan geliso qorshahaha isbaddalada ah ee dalkaasi laga hergelinaya oo ay ka mid tahay in haweenka loo ogolaado inay baabuurta kaxeeyaan.

Dowladda sucuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in ay waxkaqabanayso adeegyada loo fulinaya xujayda.

Soomaali badan ayaa kamid ah muslimiinta sannadkan xajinayso, Xaaji Fu'aad Axmed Warsame oo kamid ah xujayda ayaa BBC-da u sheegay in shirkado badan sannadka ay xujayda kasoo qaadeen dalka Soomaaliya islamarkaas-na ay u fududaysay inay la dejiyo meel u dhaw xaramka.

Fu'aad Warsame wuxuu yiri "Xujayda ka timid Soomaaliya ayaa uga dhaw xaramka dadka kale ee kasoo xajiyay dowladaha deriska marka la yiraahdo deegaan ahaan, awal way ka fogaan jireen, xujayda qaarkood toos ayaa Madiina looga dejiyay, qaarna kalena waxaa ay ka soo degeen Jidda basas ayaa lagu geeyay magaalada Madina"

Xujayda caalamka qaarkood ayaa loo raraya ila Mina maadama qoraxda ay kulushahay, xujayda oo tiro badan iyo zaxmad halkaasi ka jirto.

Xaajii Fu'aad Warsame ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Sucuudiga ay xujayda ay u diyaarisay adeegyada laga maarmaanka ah oo ay kamid tahay biyaha, caafimaadka iyo gaadidka.

Ammaanka xajka ayaa sii wayn loo adkeeyay iyadoona boolis badan la soo dhoobay waddooyinka magaalada Maka si ay ammaanka u sugaan.

Sida uu sheegaya Fu'aad, xajkan wuxuu xajkii hore kaga duwan yahay in ammaan-ka si wayn loo xoojiyay iyo adeeg-yada loo fidinaya xujayda oo sare loo qaaday.

Xigasho/BBC