4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2018
Doorashada kuraas ka bannaan Golaha Shacabka oo la qabanayo

 

Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yareey) ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabeen howsha soo buuxinta saddex kursi oo ka banaan Golaha Shacabka oo lagu dooranayo Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb.

Waxaa ay sheegtay in Kursaatan loo tartamayo labo ka mid ah doorashadooda ka dhici doonto magaalada Baydhabo, waxaana ka mid ah  kursiga uu baneeyay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Kursiga labaad ayaa waxaa ka geeriyooday Xildhibaan lagu magacaabi Khaliif Sheekh C/llaahi oo laga soo doortay deegaanada Koofur Galbeed, horaantii sanadkan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Kursiga soo haray ee saddexaad ayaa waxaa iska casilay Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud oo lagu soo doortay Cadaado, kana mid ahaa kuraastii doorashadooda shakiga la geliyay, waxaana wararka qaar in kursigaas uu u tartamayo walaalkiis Taliyihii hore ee Nabadsugida Jen. C/llaahi Gaafoow.

Xaliimo Yareeey ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabeen howsha soo buuxinta 3-kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka lagu dooranay Beydhabo iyo Dhuusamareeb.

Guddiga Doorashada ayaa horay u qabtay doorashooyin kuraas ka banaanaa Golaha Shacabka, kuwaasoo doorashooyinkooda ka kala dhacay magaalooyinka Jowhar, Dhuusa-mareeb iyo Kismaayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]