Axad, August, 19,
2018 (HOL)– Madaxweynaha dalka Masar,Abdel Fattah al-Sisi, ayaa saxiixay sharci
lagu adkeynayo xakamaynta adeegyada internetka dalkaasi.
Xukuumadda dalkaasi ayaa sheegtay in
tallaabooyiinkan looga gol leeyahay in lagu xaliyo xasilooni darada iyo
argagixisada.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa ku
eedeeyay dowladda in ay isku dayayso in ay aamusiiso dadka siyaasad ahaan ka
soo horjeeda.
Sharciga cusub ayaa ka dhigan in bogagga internet-ka laga xiro karo gudaha waddanka
kuwaasi oo xukuumada Masar ay u aragto inay abuurayaan wax halis ku ah amniga
qaranka.
Qof walbba oo lagu helo inuu qeyb ka yahay
bogagga Internet-ka ama uu booqdo ayaa wajihi doono xabsi ama ganaax.
Ka hor xitaa inta aanan la ansixinin sharcigan
cusub, kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in in ka badan 500 oo bog durbaba
la xiray.
Sidoo kale waxaa jiro hindise sharciyeed kale oo
baarlamaanka uu meelmariyay bishii la soo dhaafay, balse wali uusan ansixinin
madaxweyne Sisi, kaasi oo fasaxaya in cinwakasta oo baraha bulshada ah oo ay ku
tixan yihiin inka badan shan kun oo qof la kormeero.
Iyada oo dhammaan dibadbaxyada wadooyinka lagu
dhigo la mamnuucay, ayaa internet-ka waxaa uu ahaa madasha keliya ee dadka
Masar ay haysteen si ay fikradahooda ugu soo bandhigaan.
Xigasho/BBC