4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2018
Kenya oo baareysa dad ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab

 

Axad, August, 19, 2018 (HOL) – Kenya ayaa sheegtay in ay baareyso saddex qof oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaliya.

Saraakiisha dowladda Kenya oo faah faahin ka bixiyay arrintan ayaa sheegay in ay saddexda ruux laga soo qabtay Wadooyi Bari ee dalka Kenya kaddib markii lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka hubeysan ee Al-shabaab.

Dadka eedeymaha loo heysto ee la baarayo waxaa ka mid ah qof dumar oo la sheegay in ay hubka u soo qarin jirtay Al-shabaab.

Saraakiisha danbi-baarista Mandera ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ku soo war-geliyeen in kooxo hubeysan ay ku sugan yihiin degaanka hoos yimaada Mandera ka dibna ay soo qabtaan ciidamada Ammaanka Saddexdaasi qof.

Kenya ayaa la tacaaleysa weerarro joogta ah oo uga yimaada ururka Al-shabaab, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo ay ka dhacaan weerarrada ugu badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]